Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Shacabka Qatar Oo Xulkooda Dayacay Maanta Inkastoo Dalkooda Uu 220 Bilyan Ku Qarashgareeyay Koobka Adduunka

by Saed Mohamed
November 21, 2022
0
Shacabka Qatar Oo Xulkooda Dayacay Maanta Inkastoo Dalkooda Uu 220 Bilyan Ku Qarashgareeyay Koobka Adduunka

In badan oo ka mid ahaa taageerayaasha xulka qaranka Qatar ayaa isaga tagay garoonka Al Bayt waqtgii nasashada ciyaarta ka dib markii ay arkeen xulkooda oo ay guuldarro ka soo gaareyso Ecuador.

ADVERTISEMENT

Garoonka qaada in ka badan 67 kun islamarkaana qeybtii hore ahaa mid buuxay ayaa noqday faaruq markii laga soo laabtay waqtiga nasashada markaasoo Qatar lagu hogaaminayay 2-0.

Taageerayaashoo safray ee Ecuador ayaa si weyn u muuqday qeybtii labaad ee ciyaarta, halka ay sidoo kale hareen taageerayaashii Qatar ee xirnaa funaanadaha midabka burgandiga ee Qatar. Laakiin waxaa garoonka faaruqiyay shacabkii xirnaa khamiisyada iyo cabaayadaha ee sharxayay garoonka.

Waa markii ugu horeysay ee taageerayaasha xulka martigelinaya Koobka Adduunka ay faaruqiyaanka garoonka tan iyo markii ay taageerayaasha Brazil sidaas sameeyeen kulankii semi-finalka oo qeybtii hore ay 5-0 ku hogaamineysay Germany islamarkaana ciyaartaas 7-1 looga badiyay.

ADVERTISEMENT

Laakiin lama filaan ayay aheyd in taageerayaasha Qatar ay garoonka baxaan iyagoo daawanaya kulankoodii ugu horeeyay abid ee Koobka Adduunka.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Waxay la ciyaarayaan xul aan sidaas u weyneyn oo Ecuador ah, inkastoo labo gool lagu lahaa hadana rajo ayay ka lahaayeen inay qeybta labaad soo noqdaan, balse waa ay dayaceen xulkooda.

Qatar waxay Koobka Adduunka ku qarashgareysay 220 bilyan doolar oo ah labo jibaarka intii lagu qarashgareeyay isku darka sideedii Koob Adduun ee ugu danbeysay.

Laakiin hadana Qatar waa ay ka gaabiyeen hal meel oo ay koontarooli waayeen, waana inay taageerayaashooda ku hayaan garoonka ilaa dhamaadkii ciyaarta.

Waxay tani ka horimaaneysaa fariintii dowlada Qatar ee aheyd in dadka reer Qatar ay aad u jaceyl yihiin kubada cagta oo ay yihiin taageerayaasha xamaasadeysan. Waana fariin ay soo bandhigeen markii ay ku guuleysanayeen martigelinta koobka sannadkii 2010kii.

ADVERTISEMENT
Share362Tweet226
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.