DEG-DEG: Macalinkii Kooxaha Chelsea Iyo Juventus Ee Maurizio Sarri Oo Helay Shaqada Koox Weyn Oo Talyaani Ah

Tababarihii hore ee kooxaha Napoli, Chelsea iyo Juventus ee Maurizio Sarri ayaa saxeexay heshiiska uu ugu biirayo kooxda Lazio iyadoo ay kaliya hadhsan tahay in si rasmi ah loo shaaciyo go’aankaas oo xogta laga helo dhinaca kooxda.

Tababare Sarri ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Juventus xagaagii 2020 isaga oo markaas uun kusoo guuleystay horyaalka Serie A xilli ay Juve ku bedeshay Andrea Pirlo oo isagana dhawaan la caydhiyay.

Image

Sarri ayaa la filayay inuu la wareegi doono kooxda Tottenham oo wali macalin la’aan ah balse sida uu hadda sheegayo kanaalka Sky Sports Italia waxa uu heshiis ilaa 2023 ah qalinka ugu duugay Lazio.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maurizo uu doonayo xiddigaha kooxdiisii hore ee Chelsea ee Marcos Alonso oo daafac bidix ah iyo Ruben Loftus-Cheek oo khad dhexe ah.

Sidoo kale warar hordhac ah ayaa sheegaya inuu kooxda Liverpool kala soo saxeexan karto Xherdan Shaqiri oo iib ah balse waxa waxkasta ka horrayn doonta shaacinta shaqadiisa cusub.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*