Sergio Aguero ayaa cadho kula dul-dhacay xidhiidhka kubadda cagta Argentina, iyadoo dalkiisu guul-darro xanuun badan kala kulmay Sucuudiga oo 2-1 ku garaacay kulankooda koowaad ee Koobka Adduunka.
Argentina oo la hormartay gool rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Lionel Messi ayaa waxa loogu beddelay laba gool oo qaybtii labaad uu Sucuudigu la yimid oo kaliya afar daqiiqadood u dhaxeeyeen, iyadoo midka koowaad uu saxeexay Saleh Al-Shehri, ka hor intii aaniu Salem Al Dawsari goolka labaad oo aad u qurux badnaa raacinin.
Sergio Aguero ayay guul-darradani u ahayd laba niyad-jab oo isasaaran, waxaanay midda hore ahayd in loo diiday inuu la kulmo ciyaartoyda xulkiisa oo uu isku dayay inuu ku booqdo garoonka tababarka isaga oo kalidii ah.
Aguero oo 34 jir ah, isla markaana 101 ciyaar u dheelay xulka qaranka Argentina ka hor intii aanu wadne xanuun kusoo boodin sannad ka hor ee aanu ku qasbnaanin inuu ciyaaraha ka fadhiisto, ayaa waxa niyad-jabka lahaad ee helay uu yahay midka uu la wadaago reer Argentine ee guul-darrada soo gaadhay dalkiisa.
Aguero oo warbaahinta la hadlayay intii ay ciyaartu socotay ayaa yidhi: “Anigu wali ma arg ciyaartoyda xulka qaranka. Layaab ayaanay igu noqotay in saddex ama afara maalmood ay igu qaadanayso in la ii ogolaado inaan la kulmo.
“Hore ayaan ugu sii sheegay ciyaartoyda Argentina in aan u imanayo, laakiin waa la ii diiday in aan la kulmo, waana arrin layaab leh, balse waxa aan u diray farriimo aan ugu sheegay in aan nasiib wanaagsan u rajaynayo.”