Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Senegal Oo Noqotay Waddankii 1aad Ee Afrikaan Ah Ee Guul Ka Keena Koobka Adduunka & Martgeliyeyaashii Qatar Oo Ka Hadhay Tartanka

by Abdiwahab Ahmed
November 25, 2022
1
Senegal Oo Noqotay Waddankii 1aad Ee Afrikaan Ah Ee Guul Ka Keena Koobka Adduunka & Martgeliyeyaashii Qatar Oo Ka Hadhay Tartanka

Senegal ayaa noqotay dalkii koowaad ee Afrikaan ah ee guul kasoo hooya Koobka Adduunka, waxaanay 3-1 ku garaaceen dalka martigelinaya tartanka ee Qatara oo si rasmi ah uga hadhay Koobka Adduunka ee waddankooda lagu qabtay.

ADVERTISEMENT

Xulka qaranka Senegal ayaa saddex hgool oo labadii qaybood ee ciyaarta ay saddex ciyaartoy oo kala duwan qaybsadeen ku garaacay Qatar, waxaanay heleen saddexdii dhibcood ee ugu horreeyey ee ay ka keenaan Koobka Adduunka.

Senegala ayaa kasoo kabatay guul-darradii ay ku bilowdeen Koobka Adduunka ee ciyaartii hore ay Holland kaga adkaatay 2-0, waxaanay cadhada kula dhaceen Qatar oo ay ugu awood sheegteen dalkooda.

senegal

ADVERTISEMENT

Xiddiga Soomaaliga ah ee Afif ee u ciyaara xulka qaranka Qatar ayaa laadkii ugu horreeyey ee ciyaarta sameeyey, waxaana uu xulka martigeliyeyaasha u bilaabay ciyaarta, hase yeeshee Senegal ayaa soo bandhigtay ciyaar tayadeedu sarrayso iyada oo aad uga fiicnayd Qatar dhinc walba oo ciyaarta ah.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Daqiiqaddii 41aad ayuu Boulaye Dia furay gool-dhalinta ciyaarta, waxaana kubbad uu si qaldan u lumiyey Khoukhi uu lugta ku dhigay, kaddibna weydaariyey goolhaye Barsham, waxaanu goolkaasi ahaa midka kaliya ee qaybta hore ay labada xul kala dhaliyeen.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay saddex daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Senegal heshay goolka labaad oo uu u saxeexay Famara Diedhiou oo kubbad uu ka helay masaafo lix tallaabo u jirta goolka uu weydaariyey Barsham.

Jakobs ayaa ahaa libaaxa kasoo shaqeeyey goolkan ee hadiyadda u siiyey Famara Diedhiou in uu isku qoro diiwaanka gool-dhalinta  Koobka Adduunka.

Senegal l

ADVERTISEMENT

Xulka qaranka martigelinaya Koobka Adduunka ee Qatar ayaa uu gool u dhaliyey Mohammed Muntari dhamaadka ciyaarta oo ay 12 daqiiqadood ka hadhsan yihiin, hase yeeshee goolkaasi masii waarin, waxaana ka daba yimid oo gool saddexaad u dhaliyey xulka Senegal laacibkooda Dieng oo marar badan uu nasiibku diiday.

Senegal ayaa sidaa ku noqotay dalkii koowaad ee Afrikaan ah ee guul ka keena Koobka Adduunka, iyadoo dhamaan shanta waddan ee Afrika ku matalaya Koobka Adduunka aanu midkoodna badin wareeggii koowaad ee group-yada.

Share270Tweet169
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Comments 1

  1. Cali king says:
    2 months ago

    Asc. Salaan kadib illaa iyo hadda waddanka Qatar kama harin tartanka sababtoo ah haddii Netherland caawa laga badiyo rajo 5% ayey leeyihiin.
    Maxaa yeelay cayaarta 3aad ee haddii Qatar ayNetherland ka badiyaan waxey tegayaan 3 dhibcood iyaga iyo Netherland.
    Cayaarta 3aad ee u dhaxeyso Senegaal iyo Equador oo ay Equador badiso.
    Equador 9 dhibcood bey yeelaneysaa, 3da waddan ee kalena min 3 dhibcood.
    F G. Haddii caawa Netherland bareejo gasho ama ay badiso markaa waddanka Qatar wuu ka harayaa tartanka.

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.