Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Saxeexa Mykhailo Mudryk Oo Cabsi Ka Dhex Abuuray Chelsea & Sababta

by Apdihakem Omer Adam
January 17, 2023
0
Saxeexa Mykhailo Mudryk Oo Cabsi Ka Dhex Abuuray Chelsea & Sababta

Xiddigaha da’yarta kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay cabsi ka qabaan kooxdooda gaar ahaan kaddib saxeexa garabka ree Ukraine ee Mykhailo Mudryk,

ADVERTISEMENT

Chelsea ayaa dhawaan markale farriin awoodeeda dhaqaale ah dirtay iyadoo 100 Milyan oo euro kula saxeexatay Mudryk oo mudo lala xidhiidhinayay kooxda ay London wada degaan ee Arsenal.

Warkaas ayaa la sheegay inuu werwer iyo walaac ku abuuray xiddigaha kuliyada da’yarta Chelsea oo ka cabsi qaba in dhaqaalaha badan iyo saxeexyada badan ee kooxdu ay xanibaan fursadii ay kooxda koowaad ka heli lahaayeen.

Wargeyska The Telegraph oo ah midka xogtan baahiyay ayaa sheegaya inay jiraan waalid iyo wakiilo ka werwersan haddii xiddigahooda da’yarta ahi ay fursadii ay filayeen ka helayaan Blues.

ADVERTISEMENT

Kooxaha horyaalka Germany ayaa la sheegay inay si gaar ah isha ugu hayaan xaalada kuliyada da’yarta Chelsea oo ay kala wareegi karaan qaar kamida da’yarta mustaqbalkooda u baqaya.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Xiddigaha ay kooxaha Germany ka qaateen Blues ayaa laga xusi karaa Jamal Musiala oo haatan Bayern Munich muhiim u ah kaas oo sanadkii 2019 ka tagay kuliyada kooxda ree London.

Kuliyada da’yarka Chelsea ayaa loo aqoonsan yahay mid kamida kuwa ugu wanaagsan Yurub waxaana ay sanadihii ugu dambeeyay soo saaraysay xiddigo badan oo kooxda koowaad soo galay.

Magacyada kasoo baxay halkaas ayaa laga xusi karaa Reece James, Mason Mount, Conor Gallagher, Tammy Abraham, Fikayo Tomori, Loftus-Cheek iyo Trevoh Chalobah.

ADVERTISEMENT
Share460Tweet288
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.