Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Bundesliga

Saxeexa Mbappe Ka Dalbanayo PSG, Arsenal Oo Khadad Dhexe Doonaysa & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

by Apdihakem Omer Adam
January 25, 2023
0
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Everton ayaa suuqa la dhigay iyadoo mulkiilaheedu ku doonayo £500m. (Guardian)

ADVERTISEMENT

Intaas kaddib mulkiile Farhad Moshiri ayaa beeniyay inuu Everton iibinayo isagoo sheegay inay ka go’antahay inuu la dadaalo kooxda dhibtoonaysa. (Liverpool Echo)

Arsenal ayaa xagaaga Chelsea kula tartami karta saxeexa khadka dhexe ee Brighton ee Caicedo. (Evening Standard)

Brighton ayaa 100 Milyan oo pound ku doonaysa iibka Caicedo. (Times)

ADVERTISEMENT

Kylian Mbappe ayaa la filayaa inuu PSG u sheego inay u keenaan saxeexa xiddiga Man City ee Bernardo Silva oo ay hore Monaco ugu soo wada ciyaareen. (Sun)

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Everton ayaa sii wadi doonta wadahadalka ay ku doonayso Marcelo Bielsa balse sidoo kale dalban karta macalin Sam Allardyce. (Independent)

Bielsa ayaa Everton u sheegay in safka kooxdoodu yahay mid xiddigihiisu aad u gaabinayaan oo uu u baahan yahay in xiddigo xawaare leh kooxdu keensato inta suuqa ka hadhsan. (Mail)

Frank Lampard oo Everton laga caydhiyay ayay ka go’antahay inuu is muujiyo oo horyaalada kale u wareego. (Sun)

Chelsea ayaa wadahadalo heshiis kordhin la bilawday Thiago Silva oo qandaraaskiisa haatan xagaaga ku eeg yahay. (Athletic – subscription required)

ADVERTISEMENT

Leeds ayaa Juventus wadahadal kagala jirta saxeexa khadka dhexe ee Weston McKennie. (Fabrizio Romano)

Arsenal ayaa sidoo kale Juventus wax ka weydiisay arrimaha McKennie. (Gazzetto dello Sport – in Italian)

Arsenal ayaa boos wanaagsan u joogta saxeexa daafaca midig ee Real Valladolid ee Ivan Fresneda. (Football Insider)

Tottenham ayaa diyaar u ah inay amaah ku fasaxdo da’yarkeeda daafaca midig ee Djed Spence. (90 min)

Tottenham ayaa bixin doonta 45-ka Milyan ee euro ee lagu jabin karo heshiiska daafaca midig ee Sporting Lisbon ee Pedro Porro. (Corrieo de Manha)

Man City ayaa diyaar u ah inay lacag iyo Joao Cancelo kaga soo bedelato AC Milan garabka weerar ee Rafael Leao. (Calciomercato).

Xiisihii Man United ee Victor Osimahen ayaa qaboobay kaddib 100-ka Milyan ee euro ee Napoli ku doonayso iibkiisa. (Florian Plettenberg)

Arsenal ayaa Tottenham kala xidhiidhay saxeexa khadka dhexe ee Amadou Onana, Toffees ayaa 50 Milyan oo pound ku qiimaynaya xiddiga ree Belgium. (Graime Bailey)

Chelsea ayaa dalab cusub oo 30 ilaa 40 Milyan oo euro ah ka gudbin doonta daafaca midig ee Lyon ee Malo Gusto. (Foot Mercato)

Man United, Chelsea iyo Tottenhaam ayaa xiisaynaya goolhayaha Brentford ee David Raya. (Relevo)

Al Nassr ayaa heshiis laba sano ah oo uu 40 Milyan oo euro ku qaadanayo u bandhigtay Luka Modric. (Okaz Sports)

 

Share517Tweet323
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.