Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Bundesliga

Saxeexa Cusub Ee Chelsea, Laacibka Wakiiladiisu Liverpool La Doonayaan & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

by Apdihakem Omer Adam
December 16, 2022
1
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Chelsea ayaa qarka u saaran inay kooxda Molde ee dalka Norway kala wareegto 19 sano jirka weeraryahanka xulka Ivory Coast ee David Datro Fofana.(Fabrizio Romano, Twitter)

ADVERTISEMENT

Arsenal ayaa kamida kooxo dhawr ah oo xiisaynaya garabka weerar ee Shakhtar ee Mykhaylo Mudryk, kooxdaas ayaa ku adkaysanaysa in madaxweynaheedu 21 sano jirkaas go’aan ka gaadhi doono marka dalabaad laga soo gudbiyo. (Mail)

Liverpool ayay tahay inay 150 Milyan oo euro ka bixiso haddii ay doonayso Jude Bellingham oo Borussia Dortmund ka tirsan halka ay tahay inay 100 Milyan oo euro ka bixiso khadka dhexe ee Benfica ee Enzo Fernandez. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Qorshayaasha mustaqbalka Man City ayay ku jiraan inay la saxeexato Jude Bellingham iyo garabka Arsenal ee Bukayo Saka. (90min)

ADVERTISEMENT

Wakiilada khadka dhexe ee Fiorentina iyo Morocco ee Sofyan Amrabat ayaa la doonaya 26 sano jirkaasi inuu ku biiro Liverpool. (Soccernews)

Sidoo Kale Akhri

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

February 7, 2023

Atletico Madrid garabkeeda weerar ee Joao Felix oo saxeexiisa loo bandhigay kooxo ay kamid yihiin Man United iyo Arsenal ayaa doonaya inuu ku biiro Paris St-Germain. (Gianluca di Marzio via Soccernews)

Chelsea ayaa sidoo kale loosoo bandhigay inay Joao Felix kula saxeexato 86 Milyan oo pound, wuxuu u noqonayaa dookh kale si lamid ah saaxiibkiisa kooxdaas ee Matheus Cunha iyo xiddigah Barcelona ee Memphis Depay. (Evening Standard)

Wolves ayaa doonaysa saxeexa Cunha balse ay tahay inay saxeexiisa kula dagaalanto kooxo dhawr ah oo Premier League ah. (90min)

Youssoufa Moukoko ayaa ku dhaw inuu heshiis kordhin u saxeexo Borussia Dortmund walow lala xidhiidhinayay Chelsea, Manchester United iyo Liverpool. (Ruhr Nachrichten via Metro)

ADVERTISEMENT

Manchester United iyo Newcastle ayaa tartan kagala kulmaya Real Madrid saxeexa weeraryahanka PSV ee Cody Gakpo. (Mirror)

Chelsea ayaa markale cadaadin doonta heshiiska ay ku doonayso xiddiga AC Milan ee Rafael Leao xilli tababare Graham Potter doonayo bedelka da’yarka ka dhaawacmay ee  Broja. (Givemesport)

Everton ayaa wali xiisaynaysa da’yarka Ajax ee Mohammed Kudus kaddib wacdaraha uu ka dhigay Koobka aduunka. (Sky Sports via Liverpool Echo)

West Ham ayaa u dhaqaaqaysa dookhyadeeda kale ee daafaca midig kaddib markii ay ogaatay inaysan Middlesborough ku qancin karin inay ka iibiso Isaiah Jones. (Football League World)

Sevilla ayay wararku sheegayaan inay 26 Milyan oo pound ku fasaxayso goolhayaheeda Yassine Bounou  oo Morocco wacdarro u dhigay Koobka aduunka. (Estadio Deportivo – in Spanish)

Napoli daafaceeda dhexe ee Kim Min-jae oo bartilmaameed u ah Man United iyo Tottenham ayaa sheegay inay qasayaan wararka xanta ah ee Premier League la xidhiidhinayaa. (Mail)

Share439Tweet275
ADVERTISEMENT

Related Posts

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

WERWER: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Man United Oo Dhaawacmay Maalmo Kahor Manchester Derby

Erik Ten Hag Oo Shaaciyey AFAR Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Dhaawacyo Ku Maqnaanaya Kulanka Leeds United

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijiyey, in xiddiga reer Brazil ee Antony uu ku biiray liiska ciyaartoyda dhaawaca...

Comments 1

  1. Ahmed yesboss says:
    2 months ago

    Liverpool qasnadeeda kuma jirto lacag garaysa 250 uero ooy kula so wareegto Belgium iyo farnadez

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.