Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Sawir Iyo Qoraal Ay Arsenal Twitter Soo Dhigtay Oo Ka Careysiiyay Taageerayaasha Xulka Ingariiska

by Saed Mohamed
December 11, 2022
0
Didier Deschamps Oo Xaqiiqada Ka Sheegay Guushii Xulkiisa France Ka Gaadhay England

Xulka Ingariiska ayaa weli ka murugeysan in shalay ay ka hareen Kobka Adduunka ka dib markii ay guuldarro xanuun leh ka soo gaartay xulka Faransiiska oo 2-1 ku garaacay.

ADVERTISEMENT

Taageerayaasha Three Lions ayaa weli ka niyadjabsan wixii shalay ka dhacay garoonka Al Bayt iyagoo aaminsanaa in xulkooda uu koobkaan qaadayo markii ugu horeysay tan iyo 1966kii.

Kooxda Arsenal ayaana ka sii careysiisay taageerayaasha Ingariiska ka dib qoraal iyo sawir ay soo dhigtay bogeeda Twitter ka dib guuldaradii shalay.

Arsenal ayaa ku faantay in daafaceeda Faransiiska William Saliba uu ka ciyaarayo semi-finalka taasoo ka careysiisay taageerayaasha Ingariiska oo u fahmay inay ku durayaan weeraryahanka Tottenham Harry Kane oo sabab u noqday in England ay harto.

ADVERTISEMENT

Our Wilo 👊
A World Cup semi-finalist ❤️ pic.twitter.com/lVCMV9C0XD

— Arsenal (@Arsenal) December 10, 2022

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Arsenal ayaa soo qaadatay daafacooda oo huwan calanka Faransiiska waxayna ku soo qoreen: “Wilo-geena. Waa semi-finaliiste Koobka Adduunka ah iyagoo raaciyay calaamada wadnaha.”

Taageerayaasha ayaana ku canaantay Arsenal inay sawirka iyo qoraalkaan soo dhigaan xilli Ingariiska la reebay.

“Tani ma ahan go’aankiinii ugu fiicnaa” ayay aheyd fariimaha badan ee loo qoray. Halka qaar badan ay yiraahdeen “Doqomo, waxaad tihiin koox Ingariis ah.”

England ayaa fursad weyn oo ay ciyaarta ku barbareyn laheyd iska qasaarisay marki Harry Kane uu rigoore dusha sarre mariyay taasoo keentay in Faransiiska ay u soo gudban wareega afar dhamaadka.

ADVERTISEMENT
Share404Tweet253
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.