Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Saka Oo Sharraxay Macnaha Magaciisa ‘Bukayo’ Iyo Halka Uu Kasoo Jeedo

by Abdiwahab Ahmed
January 25, 2023
0
Bukayo Saka Oo Ka Tashanaya Arsenal & Qoddobka Muhiimka U Ah Mustaqbalkiisa Ee Uu Heshiiskiisa Cusub Ku Darayo

Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa daboolka ka qaaday macnaha ka dambeeya magaciisa, gaar ahaan ‘Bukayo’, iyo waliba halka uu asal ahaan kasoo jeedo magacani.

ADVERTISEMENT

Saka oo ay da’diisu tahay 21 jir, ayaa xilli ciyaareedkan bandhig heersare ah ka samaynaya  horyaalka Premier League, waxaana uu kooxdiisa ka caawiyey inay hoggaanka ku hayso shan dhibcood oo nadiif ah.

Kulankii Manchester United ee Axaddii ayuu dhaliyey gool qurux badan oo uu meel fog ka toogtay, iyadoo 19 kulan oo Premier League ah uu toddoba jeer shabaqa soo taabtay, toddoba kalena caawiyey, waana ciyaartoyga afraad ee horyaalka Premier League ugu badan ku lug-yeelashada goolasha, waxaana uu ku xigaa Erling Haaland, Harry Kane iyo Ivan Toney.

Saka oo ku jira farxadda bandhiggiisa wanaagsan iyo hoggaanka ay kooxdiisu ku naaloonayso, ayaa waxa uu waraysi siiyey wargeyska GQ Magazine, waxaana la weydiiyey macnaha magaciisa Bukayo, waxaanu ku jawaabay: “Ayeeyday hooyo ayaa ii bixisay magaca Bukayo, sababtoo ah way igu farxeen. Macnaha magacaygu waa ‘Illaahay ayaa noloshayda ku galladay farxad.’ Waxay doonaysay in qoyska ay farxad kusoo korodho, sidaas ayaanay iigu bixisay… Mar walba oo ay ii yeedhyo, waxay i dareensiisaa qiimaha aan u leeyahay.”

ADVERTISEMENT

Bukayo Saka oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Arsenal, ayaa waxa qandaraaskiisa Emirates Stadium ka hadhsan 18 bilood oo kaliya, waxayse kooxdu heshiis cusub la meel-dhigtay horraantii bishan aynu ku jirno, inkasta oo aanay wali meesha ka bixin hadal-haynta mustaqbalkiisau.

Sidoo Kale Akhri

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

February 6, 2023
Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

February 6, 2023
ADVERTISEMENT
Share388Tweet243
ADVERTISEMENT

Related Posts

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Musiibo weyyn ayaa ku habsatay waddanka Turkiga oo dhul-gariir weyn oo ka dhacay ay ku dhinteen dad tiradooda sare loo...

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

by Saed Mohamed
February 6, 2023
0

Xubin ka tirsan Arsenal ayaa gudoomiye u noqonaya guddiga madaxa banaanka ee loo xilsaaray eedeymaha loo heysto Manchester City ee...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.