Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Sadio Mane Oo Ka Baxay Waqtigii Adkaa Kulan Ay VAR Isla Dhibaatoodeen Oo Bayern Munich Xasuuq Geysatay

by Abdiwahab Ahmed
September 30, 2022
0
Sadio Mane Oo Ka Baxay Waqtigii Adkaa Kulan Ay VAR Isla Dhibaatoodeen Oo Bayern Munich Xasuuq Geysatay

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa kusoo laabatay jidka guusha, waxaanay si xun u garaaceen naadiga xafiiltanka weyni ka dhexeeyo ee Bayer Leverkusen kulan ay Sadio Mane iyo VAR isla dhibaatoodeen oo laba jeer oo uu shabaqa soo taabtay midkood laga dafiray goolashii uu dhaliyey.

ADVERTISEMENT

Bayern Munich oo xilli ciyaareedkan si xun ku bilaabatay, isla markaana su’aal la geliyey kartida tababare Julian Nagelsmann ayaa waxay 4-0 ku karbaashtay Leverkusen oo marti ugu ahayd Aliianz Arena oo ay jamaahiir tiro badan usoo buuxiyeen si ay xiddigahooda  niyadda ugu dhisaan.

Leroy Sane ayaa aftax wanaagsan u noqday Munich oo daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta gool kaga nixiyey Bayer Leverkusen oo awoodi weyday in ay kasoo kabato goolkaas oo saddex kalena loogu daray, iyadoo inta badan ciyaartu ahayd mid hal dhinac ka socota oo xiddigaha cadhaysan ee Munich ay weerar ahaayeen.

ADVERTISEMENT

Waqti badan kuma aanay qaadanin Munich in ay sii dheeraysato hoggaanka ciyaarta, waxaana gool labaad u saxeexay xiddiga da’da yar ee Jamal Musiala daqiiqaddii 17aad, hase yeeshee waxa uu helay fursado kale oo uu kusii kordhisan karayay goolasha.

Sidoo Kale Akhri

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

February 7, 2023
Waakan Xiddiga Liverpool Uga Dhaaratay Inuu Kooxdeeda Ka Baxo

Ololaha Nadiifinta Liverpool Oo Bilaabmay & Xiddiga Ugu Horreeya Ee Laga Fasaxay Anfield

February 7, 2023

Da’yarka reer Germany ayaa dersin difaacyahanno ah u gooyey kubadda oo la galay xerada ganaaxa ka  hor intii aanay cidiidhi gelin difaaca Leverkusen oo ka joojiyey gool labaad oo uu dhalin lahaa. Musiala ayaa sidoo kale ahaa ciyaartoyga ka shaqeeyey goolka koowaad ka hor intii aanu darbad awood badan ciyaarta kaga dhigin 2-0.

Sadio Mane oo waqtigu ku adag yahay ayaa isku qoray diiwaanka goolasha waxaana uu dhamaadka qaybta hore saxeexay gool uu bannaanka laad dabacsan oo lugta bidix ah kaga toogtay, taas oo fursadda laga filan karayay in ay gool ku noqoto ay aad u hoosaysay.

VAR ayaa dagaal la gashay Sadio Mane oo gool labaad oo uu dhaliyey ka diidday, kaddib markii uu xerada ganaaxa ka helay kubbad uu kasoo shaqeeyey Jamal Musiala, laakiin VAR oo laga soo hubiyey markii ay kooxdiisu dabbaal-degga dhamaysatay ayaa waxay xaqiijisay, in Bayern Munich ay qalad ku gashay ciyaartoy kale ka hor intii aanu Musiala kubadda helin ee aanu usii gudbinin Mane.

Thomas Muller ayaa hadiyad ka helay goolhayaha Bayer Leverkusen ee Lukas Hradecky oo kubbad uu doonayay inuu u dhiibo saaxiibkii meel bannaan u dhigay Muller oo isaguna goolka ku leexiyey.

ADVERTISEMENT

Guushan ayaa ka dhigan in Bayern Munich ay soo gashay kaalinta labaad, waxaanay haysataa 15 dhibcood halka Union Berlin oo hoggaanka horyaalka haysa ay ka  haysato 17 dhibcood, laakiin ay Sabtida dheeli doonto kulankeeda usbuuca.

Share383Tweet240
ADVERTISEMENT

Related Posts

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Paris St-Germain ayaa doonaysa saxeexa Bernardo Silva oo u furan inuu Man City ka tago balse waxay tartan kala kulmayaan...

Waakan Xiddiga Liverpool Uga Dhaaratay Inuu Kooxdeeda Ka Baxo

Ololaha Nadiifinta Liverpool Oo Bilaabmay & Xiddiga Ugu Horreeya Ee Laga Fasaxay Anfield

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Kooxda Liverpool ayaa la filayaa inay suuqa xagaaga soo socda dib u habayntii ugu weyneyd isku samayso iyadoo ciyaartoy badan...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.