Daafaca midig ee kooxda Chelsea ee Reece James ayaa bartiisa Twitter-ka kaga jawaabay su’aalo badan oo dadka halkaas kaga xidhani weydiiyeen.
22 sano jirkaas ayaa dhaawac ku maqnaa mudooyinkii ugu dambeeyay isagoo sidoo kale seegaya koobka aduunka taas oo wakhti badan oo uu dadka kula hadlo firaaqo u siisay.
Reece ayaa su’aalaha uu ka jawaabay ay kamid ahayd xiddiga ugu adag ee uu wajahay oo uu u doortay saddex ciyaartoy oo kala duwan.
James ayaa u doortay xiddigaha ugu adag ee uu wajahay saddex xiddig oo garab bidix ah oo kala ah Rafael Leao (AC Milan), Sadio Mane (Oo uu Liverpool ku wajahay) iyo Vinicius Jr (Real Madrid).
“Saddexda xiddig ee ugu adag ee aan abid wajahay dhammaantood waa garab bidix, Viniciur Jr, Leao iyo Sadio Mane” ayuu yidhi RJ.
Markale taageere ayaa usoo qoray James inuu kala doorto Messi iyo Ronaldo, jawaabtiisa ayaa noqotay kabtanka Portugal ee Ronaldo iyadoo falcelin aad u badan dadku ka sameeyeen jawaabtaas.