Gil Marin oo ah agaasimaha fuud ee Atletico Madrid ayaa tibaaxay in ay suurtogal tahay in xiddiga reer Portugal ee Joao Felix uu ka tago Wanda Metropolitano bisha January ee foodda inagu soo haysa, iyadoo laacibkani uu si cad u qirtay inuu doonayo inuu iskaga tago Spain.
23 jirkan oo Jimcihii ay saxaafaddu weydiisay inuu iskaga tegayo Atletico Madrid, ayaa diiday inuu qirto inuu doonayo inuu baxo, sidoo kalena waxa uu ka gaabsaday inuu joogayo, balse waxa uu ku dooday in qaab-ciyaareedka xorriyadda ee Portugal ay tahay mid ku habboon qaabkiisa halka kooxdu aanay sidaas oo kale ahayn.
Joao Felix oo kusoo bilowday ciyaartii xulkiisu kaga hadhay Koobka Adduunka ee Morocco ay 1-0 ku garaacday, ayaa hore loo sheegay inuu ku wargeliyey kooxdiisa Atletico Madrid inuu doonayo inuu iskaga tago suuqa bisha January.
Xidhiidhka uu laacibkani la leeyahay tababare Diego Simeone ayaa aad u xun, waxaana la rumaysan yahay in aanay sii wada joogi karayn Wanda Metropolitano oo Joao Felix ay ka go’an tahay inuu iskaga tago kooxdan oo xagaagii 2019 kusoo iibsatay 126 milyan oo Gini.
Saddex kooxood ayaa la sheegay in uu midkood ka degi doono Joao Felix bisha January, waxaanay kooxda koowaad ee ugu cadcad ay tahay Manchester United oo raadinaysa beddelka Cristiano Ronaldo oo bishii November ay qandaraaskiisa burburiyeen.
Tayada ciyaareed ee uu leeyahay ee uu isbeddelka ugu samayn karayo ciyaaarta iyo in uu yahay dhaliye fiican ayaa soo jiidatay Manchester United, balse waa in ay diyaarsato £80 milyan oo Gini oo ay ku iibsato laacibkan.
Waxa kale oo doonaya Paris Saint-Germain iyo Chelsea oo iyaguna diyaar u ah in ay qasnaddooda u jabiyaan bisha January amaba xagaaga.