Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

SADDEXDA Ciyaartoy Ee Sababta U Ah Guul-darrooyinka Chelsea Oo La Magacaabay

by Abdiwahab Ahmed
January 9, 2023
0
SADDEXDA Ciyaartoy Ee Sababta U Ah Guul-darrooyinka Chelsea Oo La Magacaabay

Saddex ciyaartoy oo ka tirsan Chelsea ayaa lagu eedeeyey in ay ixtiraam-darro u muujinayaan taageereyaasha kooxdooda, sidoo kalena sabab yu noqonayaan in shaqada laga caydhiyo Graham Potter kaddib markii ay bandhig aad u liita la yimaaddeen ciyaartii Manchester City ay 4-0 ku xasuuqday Axaddii ee ay kaga hadheen tartanka FA Cup.

ADVERTISEMENT

Chelsea ayaa wareegga saddexaad kaga hadhay FA Cup kaddib markii ay booqatay Manchester City oo afar maalmood ka horna ku karbaashtay Stamford Bridge kulankoodii horyaalka Premier League.

Manchester City ayay u ahayd markii koowaad ee ay si raaxo leh ugu garaacdo Chelsea garoonkeeda Etihad Stadium muddo 25 sannadood ah, waxaanay taasi keentay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Potter oo qorshihiisii xilli ciyaareedka ay kala daadiyeen dhaawacyo.

Halyeygii Chelsea ee Frank Leboeuf ayaa si weyn u weeraray Kai Havertz, Mason Mount iyo Jorginho oo uu ku tilmaamay kuwa sababta u ah guul-darrooyinka kooxda, isaga oo dhinaca kalena kula taliyey maamulka naadiga inay shaqada ka caydhiyaan Graham Potter.

ADVERTISEMENT

Leboeuf oo Chelsea u ciyaaray in ka badan 200 kulan oo dhamaan tartamada ah muddo shan sannadood ah oo uu joogay Stamford Bridge ayaa yidhi: “Waa Ceeb, runtii waa ceeb. Anigu waligay ma arag Chelsea oo sidan u liidata, maba laha doonis, ma laha damac ma laha dhiirranaan ay ugu dagaallamaan sharafta kooxda, wax sharaf ahba ma laha.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

“Wwaxa aan arkayaa ciyaartooyo aan waxba qabanayn, waxay ixtiraam-darro u muujinayaan taageereyaasha iyo kooxda. Haa, aa Mason oo aan jecelahay, Jorginho iyo Kai.”

Si kastaba, Chelsea ayay u ahayd guul-darradii lixaad ee tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay la kulmaan, waxaana uu hadda cadaadisku kusii kordhayaa tababare Graham Potter.

ADVERTISEMENT
Share331Tweet207
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.