Kooxda kubadda cagta Arsenal fursad aad u fiican ayay u haysataa ku guuleysiga horyaalka Premir League, haddii ay taam u ahaadaan saddex ciyaartoy oo muhiim ah oo haddaba ku sugan Emirates Stadium, sida uu sheegay halyeygii hore ee Gunners ee Ian Wright.
Arsenal ayaa siddeed dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka Premier League markii ay xalay barbarro goolal la’aan ah garoonkeeda kula gashay Necastle United, laakiin Manchester City ayaa soo yarayn karta farqiga oo ka dhigi karta shan dhibcood haddii ay Khamiista ka badiso Chelsea.
17 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah ayaa kaliya laga badiyey hal kulan iyo laba ay barbarro galeen xilli ciyaareedkan socda, waxaana uu Ian Wright rumaysan yahay in ay sii wadi doonaan guulaha oo ay horyaalkana ku guuleysan doonaan, balse waa in ay saddex ciyaaartoy oo laf-dhabar ah ka badbaadaan dhaawacyo.
Ian Wright oo xalay hadlayay ayaa sheegay, in fursadda Arsenal ee horyaalku ku xidhan tahay taam ahaanshaha Bukayo Saka, Martin Odegaard iyo Thomas Partey, waxaanu yidhi: “Arsenal wali waxay haysataa fursad ay kula saxeexato ciyaartooyo, gaar ahaan weeraryahan, laakiin marka aad eegto kooxdan, way ku guuleysanayaan horyaalka haddii ay taam u ahaadaan Saka, Partey iyo Odegaard.
“Waxay ila tahay, in Partey, Odegaard iyo Saka oo taam ahaada, ay adkaan doonto in horyaalka laga qaado. Fursad fiican ayay u haystaan.”
Arsenal ayaa waxay Isniinta la ciyaari doontaa kooxda yar ee Oxford United wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup, halka ciyaartooda ugu soo horreysa ee horyaalkan ay foodda is-dari doonaan Tottenham maalinta Axadda ee January 15.