Saddex kooxood oo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ah ayaa loo bandhigay kabtanka Manchester United ee Harry Maguire si ay ula saxeexdaan suuqa iibka ciyaartoyda ee January ee aynu ku jirno, kaddib markii uu tababare Erik ten Hag ku illoobay kursiga kaydka.
Harry Maguire ayaa lumiyey booskiisii Manchester United ka hor intii aanu isku muujinin Koobka Adduunka ee Qatar ee bishii hore lasoo gabogabeeyey, waxaana uu kusoo laabtay Old Trafford isaga oo rajaynaya in fursad uuheli doono, laakiin tababare Ten Hag ayaa difaaca dhexe ka ciyaarsiiyey Luke Shaw iyadoo ay maqan yihiin Victor Lindelof iyo Lisandro Martinez.
Tallaabadan uu qaaday Ten Hag ayaa loo fahmay in aanu wax kalsooni ah ku qabin Harry Maguire, isla markaana ay tahay inuu iska tago maadaama uu xataa ka doorbiday in Luke Shaw ka dheelo difaaca midig kulamadii Nottingham Forest iyo Wolves.
Difaacii hore ee xulka qaranka England ee Stuart Peace ayaa ku waafaqay Rio Ferdinand in aanu Harry Maguire wax mustaqbal ah ku lahayn Old Trafford, waxaana uu usoo jeediyey inuu iskaga tago oo uu u saxeexo midkood saddexda kooxood ee Newcastle United, Aston Villa iyo West Ham United.
Stuart Peace ayaa sidoo kale la hadlay kooxahan, waxaanu yidhi: “Haddii aan ahaan lahaa West Ham, Newcastle ama Aston Villa, waxa aan isku deyi lahaa in aan la saxeexdo Harry Maguire. Waxa aan weydiin lahaa United haddii la helikarayo Maguire, sababtoo ah waxa uu noqon lahaa ciyaartoy cajiib ah oo kusoo kordha kooxahan.”
Tony Cascarino ayaa isaguna ku raacay fikirkan, waxaanu sheegay in Harry Maguire uu aad u niyad-jabay markii Luke Shaw laga ciyaarsiiyey booskiisii isaga oo garoonka fadhiya.
Rio Ferdinand ayaa kasii horreeyey oo isaguna maalmo ka hor kula taliyey Maguire inuu iskaga tago Manchester United, haddii uu in uun rajo ka leeyahay mustaqbalkiisa ciyaareed.