Xulka Sacuudiga ayaa soo bandhigay mid ka mid ah natiijooyinka geli doonta taariikhda kubada cagta ka dib markii ay guul soo laabasho 2-1 ka gaareen mid ka mid ah xulkii loo saadaalinayay Koobka Adduunka ee Argentina ciyaartii ka dhacday Lusail Stadium.
Riyadii Messi ee aheyd inuu ku guuleystay Koobka Adduunka oo uu markii shanaad ka soo muuqanayo ayaa ku bilabaatay si fiican ka dib markii uu rigoore dhaliyay kaliya 10 daqiiqo markii ay socotay ciyaarta.
Argentina ayaa ciyaarta heysatay qeybteedii hore iyadoo seddex gool laga diiday laakiin Sacuudiga ayaa cidiyo libaax la soo baxay qeybtii labaad iyagoo horumar balaaran ku sameeyay ciyaartooda.
Goolal cajiib ah oo ay kala dhaliyeen Saleh Al-Shehri iyo Salem Al Dawsari muddo afar daqiiqo gudaheed ah ayaa xulka Sacuudiga ka caawisay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta bartamihii qeybta labaad.
Sacuudiga ayaa xirtay difaac adag iyagoo u babac dhigay weerarka Argentina, waxayna la ciyaareen kubad heer sarre ah, iyadoo guul taariikhi ah ka gaaray xulka Argentina kulankoodii ugu horeeyay Koobka Adduunka.
Xitaa Sacuudiga ayaa iska caabin sameeyay markii ciyaarta lagu daray 8 daqiiqo iyadoo sideedaas daqiiqo ay isku bedeshay ilaa 13 daqiiqo laakiin si geesinimo leh ayay kubada u difaacdeen una xaqjiisteen guushooda taariikhiga ah.
Sacuudiga ayaa soo gabagabeeyay rikoodhkii guuldarro la’aanta xulka Argentina oo aan laga badinin tan iyo 2019kii, waxay bilaa guuldarro ahaayeen 36 kulan oo xiriir ah.