Wolves ayaa laga diiday gool guusha u horseedi lahaa oo ay ka dhaliyeen Liverpool kulankii FA Cup ka dib markii VAR ay go’aan gaari weysay.
Liverpool ayaa barbaro 2-2 kala kulantay Wolves ka dib qaladaad uu sameeyay goolhaye Alisson. Waxay natiijadaan sababtay in ciyaar ku celis ah ay labada kooxood ku ciyaaraan garoonka kooxda Wolves.
Oyadoo ciyaarta ay 2-2 mareyso waxaa Wolves gool seddexaad u dhaliyay daqiiqadii 82aad Toti laakiin calanwadaha ayaa tilmaamay inay offside aheyd waxayna taasi keentay in la isweydiiyo qofka laga dhigay offside-ka.
VAR ayaa hubisay goolka, waxaana la xukmiyay inay offside aheyd iyadoo aan la sheegin ciyaaryahankii offside-ka ahaa.
Ciyaarta ka dib, TV-ga Ingariiska ee tabinayay ciyaarta ITV ayaa sheegay in sababtii goolka loo diiday inay aheyd in VAR ay heli weysay kaamiro qabatay xiddigii offside-ka looga shakiyay ee Mathues Nunes markii kubada loo soo celiyay.
Madaama VAR ay xaqiijin weysay in Mathues Nunes uu offside ahaa, waxay taasi la micno noqotay in garsooraha uu ku adkeysto go;aankii hore ee uu gaaray calanwadaha. Sababtaas ayaana goolka loo diiday.
Taageerayaasha Wolves ayaa aad uga carooday go’aankaan iyo in VAR ay heli weysay kaamirooyin dhan walba ka qabta ciyaarta si ay go’aan rasmi ah u gaaraan.
Waxaa xitaa ku raacay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp oo ciyaarta ka dib yiri:
“Ma hubo goolkoodii seddexaad. Hal sawir oo aan aragnay waxay u muuqatay offside laakiin waan fahmi karaa sababta ay uga careysan yihiin go’aanka.
“Ma dooneyno in VAR ay kaliya hal dhinac wax ka eegto.”