Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Sababta Uu Scott McTominay U Diiday Inuu Beddelo Lambarka Uu U Xidho Manchester United Oo La Shaaciyey

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
0
Sababta Uu Scott McTominay U Diiday Inuu Beddelo Lambarka Uu U Xidho Manchester United Oo La Shaaciyey

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester Unitede ee Scott McTominay ayaa diiday inuu beddelo lambarkii ugu horreeyey ee ay Red Devils u xidhay markii uu kasoo dallacay kooxda da’yarta, kaas oo uu qorshuhu ahaa inuu si ku-meelgaadh ah u haysto, si haddii uu qaab ciyaareed fiican la yimaaddo loogu wareejiyo lambar gaaban.

ADVERTISEMENT

Scott McTominay oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa waxa uu Red Devils u xidhnaa No.39 illaa markii uu ku jiray kulliyadda da’yarta, waxaana markii uu usoo dallacay kooxda  koowaad sannadkii 2017 uu ku adkaystay in aanu beddelay.

Laacibkana oo 194 kulan u saftay kooxda koowaad ee Manchester United, una dhaliyey 18 gool iyo shan kale oo uu caawiyey, ayaa la sheegay in aanu doonayn inuu beddelo No.39 oo uu cimrigiisa oo dhan xidhnaa, waxaana uu sharraxay sababta uu u doonayo inuu haysto lambarkan inta uu xidhan yahay shaadhka Manchester United.

Waraysi uu siinayay website-ka  kooxdiisa, ayaa lagu weydiiyey sababta uu u diiday inuu beddelo lambarkan, waxaanu ku jawaabay: “No.39 waa mid khaas ah, marka uu noqdo lambarka u horreeya ee lagu siiyo.

ADVERTISEMENT

“Waligay qofna iguma odhanin iska beddel lambarkaaga, mana jirto cid aanu ka wada hadalnay in aan lambarkayga beddelo. Ma dhicin saddex sannadood, lama sannadood ama xataa hal sano ka hor cid igala hadashay.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

“Aniguna waligay isma weydiinin ama kama fikin in aan beddelo lambarkan, sababtoo ah waxa aan dareemayaa in uu yahay midkii ugu habboonaa, haddana waxa aan arkaa iyadoo No.39 uu meel walba yaallo, markaa maskaxdayda kuma jirto in aani beddelo.”

Scott McTominay ayaa waxa maalmihii ugu dambeeyey ay saxaafadda Ingiriisku warinaysay inay suurtogal tahay inuu ka tago Mnchester United, waxaana kooxaha lala xidhiidhinayo ka mid ah Newcastle United oo si weyn u doonaysay tan iyo xagaagii.

ADVERTISEMENT
Share384Tweet240
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.