Tababare Pep Guardiola ayaa ka walaacsan kulanka adag ee ay kooxdiisu kula ballansan tahay Tottenham habeenka Khamiista, taas oo ay u baahan yihiin inay jidka guusha kusoo laabtaan kaddib khasaarihii kasoo gaadhay ciayartii Manchester United oo 2-1 kusoo garaacday Sabtidii.
Manchester City oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey ku guuleysatay horyaalka Premier League ayaa waxay hadda siddeed dhibcood ka dambaysaa Arsenal oo hoggaanka haysa, waxaanay Khamiista martigelin doontaa Tottenham oo kusoo booqan doonta Etihad Stadium.
Tababarkii ugu dambeeyey ee maanta ayaa walaac ku abuuray Pep Guardiola waxaana ka maqnaa kubbad-sameeyahooda Kevin de Bruyne oo ah xiddiga ugu caawinta badan horyaalka Premier League, hase yeeshee waxa usoo laabtay labada difaac ee John Stones iyo Ruben Dias oo ka maqnaa kulnkii United.
Dias ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo Koobkii Adduunka oo uu dhaawac muruqa ah kasoo gaadhay, waxaana ugu horreysay oo uu tababarka la qaatay ciyaartoyda kooxdiisa maanta oo Salaasa ah, taas oo shaki gelinaysa in uu ciyaari doono kulanka Khamiista ee Tottenham.
Dhinaca kale, Pep Guardiola ayaa u baahan inuu helo sidii uu Erling Haaland ugu soo laaban lahaa gool-dhalinta horyaalka ee uu ka qataa ciyaartii United oo uu go’doon ku dhax ahaa garoonka.
Si kastaba, Pep Guardiola ayaa ku dooday in gool la’aantii Erling Haaland ee Old Trafford ay sabab u ahayd in Manchester United ay difaac ku jirtay oo ay diilinta 18-ka dhax fadhiyeen ciyaartoydeedu.