Weeraryahanka reer Argentina iyo xaaskiisa Wanda Nara ayaa u kala guuray khilaaf soo kala dhax-galay markii uu laacibkani u wareegay kooxda horyaalka Turkey ee Galatasaray, waxaanay ka dalbatay inuu furo iyada oo ku eedaynaysa in uu khiyaameeyey.
Horraantii sannadkan ayay sidan oo kale iskugu dhaceen oo ay u kala guureen iyadoo waqtigaasna ay Wanda Nara soo bandhigtay in laacibkani uu xidhiidh jacayl la sameeyey gabadh kale oo quruxley ah oo reer Argentina ah oo ka shaqaysa telefishan, sidoo kalena dharka xayaysiisa.
Laakiin hadda xaalkoodu wuu ka duwan yahay sidii hore, sababtoo ah waxay Wanda Nara u guurtay dalkeeda Argentina iyadoo waliba heesaa dalkaas u dhashayna kala soo muuqatay hees uu qaaday oo ay sariirta la jiifto.
Wanda Nara oo lagu yaqaano in ay sawirro qaawanaan ah soo dhigto baraheeda bulshada ayaa ka sokow inay tahay xaaska Icardi oo ay carruur u dhashay, waxay sidoo kalen tahay wakiilkiisa iyada oo shaqaysay sidii uu laacibkani amaah ugu wareegi lahaa Galasaray oo xagaagii kala wareegtay PSG.
Icardi ayaa dhowaan u duulay Argentina isaga oo aan wax fasax ah ka qaadanin kooxdiisa, markii ay soo baxday heesta muuqaalka ay ku leedahay, waxaana uu isku dayayaa in uu ku qanciyo sidii ay uga laaban lahayd go’aankeeda ah in uu furo.
Sababta ayaa waxa ogaatay warbaahinta, waxaana uu ka ordayaa in ay Wanda Nara ka qaadan doonto lacago ka badan 100 milyan oo Euro oo isugu jira guryo iyo hanti kale oo qaali ah.
Nara oo bishii November shaacisay inay bilowday qaabkii ay isku furi lahaayeen Icardi ayaa waxay jeebadda ku shuban doontaa 100 milyan oo Euro oo ay ka qaadan doonto Mauro Icardi haddii ay kala tagaan, waana sababta uu laacibkani ugu dhegsan yahay qalanjadiisa oo uu hore ugala baxay saaxiibkii Maxi Lopez oo ay saddex carruur ah usoo dhashay.