Taageerayaasha kubada cagta ayay la yaab ku noqotay sababtii offside loo yiri goolkii Enner Valencia uu u dhaliyay Ecuador daqiiqadii 3aad ee kulanka furitaanka Koobka Adduunka.
Xiddigii hore ee West Ham ayaa moodayay daqiiqadii 3aad inuu hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa.
Laakiin VAR ayaa joojisay waqtigiisa farxada iyagoo sheegay inuu offside ahaa markii uu goolhaye Saad Al Sheeb uu u soo baxay inuu kubada bixiyo.
Madaama daafac uu ka danbeeyay Enner Valencia dad badan ayay la yaab ku noqotay sababta offside loo yiri, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in go’aanka VAR uu sax ahaa.
Mar haddii goolhayaha uu soo baxay, daafaca goolka dhankiisa maray wuxuu la mid yahay sida goolhaye sidaasi darteed Valencia wuxuu taako ka horeeyay ciyaaryahankii kale ee xiranayay taasoo offside ka dhigeysa.
Haddii labo daafac ay goolka dhankiisa xigi lahaayeen markaas Valencia ma noqdeen offside balse xaqiiqda ah in kaliya hal daafac uu ka danbeeyay islamarkaana goolhayaha uu maqnaa ayaa ka dhigeysa offside.
Xiddiga reer Ecuador ayaanse wax badan sugin isagoo daqiiqadii 15aad hogaanka u dhiibay xulkiisa markii uu rigoore shabaqa ku hubsaday.
Wuxuu xulkiisa hogaanka u sii dheereeyay nusa saac markii ay socotay ciyaarta isagoo dhaliyay gool kale oo labaad oo madax ahaa.