Fabinho ayaa ka maqan kulanka Liverpool ay caawa la ciyaareyso Leicester City sababo shaqsi ah darteed.
Xiddiga khadka dhexe ee Brazil oo 29 sanno jir ah ayaa gabi ahaanba seegay kulanka Anfield ee noqonaya kulankoodii ugu danbeeyay ee sannadkan 2022.
Laakiin Fabinho wuxuu soo laaban doonaa ka dib sannadka cusub sida uu sheegay tababare Jurgen Klopp.
Inkastoo Liverpool aysan sharaxaad ka bixinin sababaha shaqsiga ah ee uu ku maqan yahay Fabinho, hadana warbaahinta Ingariiska ayaa ogaatay in xaaskiisa Rabeca Tavares inay foolaneyso canugoodii ugu horeeyay.
Liverpool ayaana u fasaxday Fabinho inuu garab jooga xaaskiisa oo fool ah.
Tababare Klopp ayaase niyada ku dhisanaya in daafaca Ibrahima Konate inuu ku soo laabtay kursiga keydka ka dib markii uu finalka Koobka Adduunka la gaaray xulka Faransiiska.
Fabinho iyo xaaskiisa ayaa filanaya wiil sida ay dhakhaatiirtu u sheegeen, wuxuuna xusay inuu doonayo in wiilkiisa uu taageero u noqdo Liverpool islamarkaana uu u noqdo ciyaaryahan weerarka ka dheela.
“Waxaan rajeynayaa in wiilkeyga uu noqdo weeraryahan dhaliya goolal ka badan inta aan dhaliyay” ayuu xiddiga reer Brazil u sheegay warbaahinta bishii July.
“Aad ayaan u faraxsanahay. Ma laha ma noqon doono ciyaaryahan laakiin dabcan haddii uu aado Anfield uu daawado ciyaaraha markaas suurtogal ma noqoneyso inuu jeclaan waayo kubada cagta. Dabcan wuxuu noqon doonaa taageere Liverpool. Waxaana rajeynayaa inuu noqdo ciyaaryahan ka fiican aabihiis.”