Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Saaxiibka Ugu Fiican Ee Kylian Mbappe Oo Iskaga Tegaya Parsis Saint-Germain & Kooxda Uu Kusii Jeedo Oo La Shaaciyey

by Abdiwahab Ahmed
January 7, 2023
0
Maaha Messi!! – Waakan Xiddiga Argentina Ka Tirsan Ee Uu Xifaaltanka Weyni Kala Dhaxeeyo Mbappe Kahor Finalka Koobka Aduunka

Saaxiibka ugu dhow xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo warramayaa in uu doonayo inuu iskaga tago kooxda Paris Saint-Germain oo uu u wareegayo Real Madrid oo uu abaal badan u hayo, taas oo la sheegay in ay mugdi sii gelin doonto mustaqbalka Mbappe ee PSG.

ADVERTISEMENT

Mbappe ayaa marar badan la sheegay in ay suurtogal tahay in aanu dhamaysan doonin heshiiskii saddexda sannadood ahaa ee uu bishii May ee sannadkii hore u saxeexay Paris Saint-Germain, kaas oo ka joojiyey in uu tago Real Madrid oo la rumaysnaa inuu si xor ah ugu biirayo.

Wargeyska El Nacional ayaa maanta boggiisa hore ku daabacay, in saaxiibka ugu fiican ee uu Mbappe ku leeyahay PSG uu go’aansaday inuu iskaga tago naadigaas, inkasta oo uu kula jiro heshiis dhawr sannadood  ka hadhsanyihiin dhamaadkiisa.

Xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi ayuu warku sheegay in aanu la dhacsanayn sii joogista PSG, sidaas darteedna doonayo inuu ku laabto kooxdii carruurnimadiisa ee Real Madrid oo uu kula guuleystay Champions League xilli-ciyaareedkii 2017/18.

ADVERTISEMENT

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa isagana la sheegay inuu doonayo inuu kooxdiisa ka xoojiyo booska difaaca midig oo Dani Carvajal oo ah ciyaartoyga kaliya ee dabiici ahaan booskaas uga dheela uu u nuglaaday dhaawacyada, isla markaana saddex meeloodoow hal-meel uu xilli ciyaareedkii dhaawac u jiifo.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Lucas Vazquez ayaa oo caadi ahaan ka dheela garabka midig ee weerarka ayay Real Madrid u isticmaashaa beddelka Dani Carvajal, inkasta oo sidoo kale ay booskaas buuxiyaan Eder Militao iyo Nacho Fernandez, halka Alvaro Odiriozola aanu wax kalsooni ah ku qabin Carlo Ancelotti.

Hakimi ayaa kasoo baxay kulliyadda Real Madrid  ee La Fabrica oo isaga oo lix jir ah uu ku biiray, waxaana uu ka tirsanaa illaa intii ay da’diisu noqonaysay 19 jir, markaas oo laba sannadood ay amaah ku siiyeen Borussia Dortmund.

Isugeyn waxa uu Achraf Hakimi u saftay Real Madrid 17 kulan ka hor intii aan loo dirin Borussia Dortmund, waxaana markii uu soo dhamaystay laba sannadood oo amaah ah €40 milyan oo Euro ay kaga iibiyaan Inter Milan oo iyaduna sannad kaddib €60 milyan kaga sii gadday PSG.

Heshiiska Achraf Hakimi ee PSG ayaa waxa uu soconayaa illaa xagaaga 2024, waxa se inta aan la gaadhin waqtigaas ay la kulmayaan cadaadis uga imanaya Real Madrid oo u gacan-haadinaysa.

ADVERTISEMENT
Share493Tweet308
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.