Patrice Evra ayaa soo saaray saadaashiisa kulamada adag ee horyaalka Premeir League ee toddobaadkan oo si weyn isha loogu hayo labada derby ee Manchester Derby iyo London Derby, halka ay sidoo kalena kulamadoodu xaasaasi yihiin iyo Liverpool.
Manchester United ayaa soo dhoweyn doonta Manchester City maalinta Sabtida, sidoo kalena Arsenal ayaa u tegi doonta kooxda ay deriska yihiin ee Tottenham Hotspur.
Intaas oo kaliya ma aha, Liverpool ayay foodda is-darayaan kooxda reer London ee Brighton iyadoo la ogyahay in kulankii ugu dambeeyey na ay Liverpool guul-darro kala soo laabatay Brentfrod.
Chelsea oo waqtigu ku adag yahay, xalayna guul-darro 2-1 ah kala soo laabatay Fulham oo ay ugu tagtay Vicarage Cottage ayaa waxay Axadda la ballansan tahay Crystal Palace, taas oo haddii ay ka badiso dhulka sii gelin doonta Blues.
Patrice Evra ayaa ka farxiyey Manchester United, waxaanu ugu bushaareeyey saddex dhibcood oo ay ka xoogi doonaan Manchester City oo kusoo booqanaysa Old Trafford. Waxa uu Patrice Evra sheegay in United ay laba gool dhalin doonto, halka Man City na saxeexi doonto hal gool oo marti.
Arsenal ayaa ka faa’iidaysan doonta fursaddaas, waxaanay sii dheeraysan doontaa hoggaanka horyaalka Premier League iyaga oo 3-1 kusoo karbaashi doona Tottenham, sida ay muujinayso saadaasha Patrice Evra.
Waxa kale oo guul heli doonta Liverpool oo inkasta oo ay ciyaartooyo badan ka dhaawacan yihiin haddana sare usoo ruqaansan doonta, waxaanay kusoo dhowaan doonaan Tottenham iyadoo Chelsea na kusoo laaban doonta tubta guusha marka ay qaabbisho Crystal Palace.
Saadaasha Patrice Evra ee kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan
Aston Villa 2-1 Leeds
Man United 2-1 Man City
Wolves 1-0 West Ham
Nottingham Forest 2-1 Leicester
Brighton 1-2 Liverpool
Everton 1-0 Southampton
Brentford 2-0 Bournemouth
Chelsea 2-1 Crystal Palace
Newcastle 3-2 Fulham
Spurs 1-3 Arsenal