Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey Koobka Adduunka kaddib markii ay soo dhamaadeen kulamadii wareegga koowaad ee grouup-yada, isla markaana ay labadii dal ee ugu horreeyey iska xaadiriyeen wareegga siddeedda.
Argentina iyo Netherlands oo isku dhacay ayaa noqday labadii xul ee ugu horreeyey ee usoo baxa wareegga siddeedda Koobka Adduunka, waxaana uu midkood iska xaadirin doonaa semi-finalka halka midkooda kalena uu tartanka macasalaamayn doono.
Afar waddan oo kale ayaa caawa soo kala bixi doona, waxaana uu qalbi jab ku dhici doonaa England ama Senegal oo wada ciyaaraya, sidoo kalena dalka koobka difaacanaya ee France ayay kala bixi doonaan Poland oo uu midkood soo gudbi doonaa.
Salaasada ayaa lasoo gabogabayn doonaa wareegga labaad ee 16ka, waxaana dhamaystirmi doona siddeedda dal ee wareegga siddeedda iskugu soo hadhaya, kuwaas oo iyagana min laba afka la iskaga gelin doono.
Imtixaanka ugu adag waxa uu haystaa waddamada waaweyn ee Yurub oo dhamaantood isku dhacaya kaliyana midkood soo gudbi doono marka laga reebo Netherlands oo ku dhacday Argentina, kuwaas oo midkooda soo baxaa uu la ciyaari doono Brazil/South Korea vs Croatia/Japan.
England ayaa haddii ay soo dhaafto Senegal waxay afka ka geli doontaa Faransiiska iyo Poland midkooda soo gudba, waxaana sugi doona oo wareegga xiga ay ku dhici doonaan Portugal, Spain, Morocco iyo Switzerland midkooda soo gudba.
Supercomputer ayaa saadaasha cusub ee uu soo saaray waxa uu qalbi-jab ku riday England oo uu u sheegay in aanay waxba ku guuleysan doonin, isla markaana horyaalka Koobka Adduunkaa macasalaamayn doonaan.
Waxa saadaasha uu Supercomputer ka bilaabay isku-dhaca Netherlands vs Argentina waxaana uu guusha siiyey xulka qaranka Argentina oo uu geeyey semi-finalka, sidoo kalena Brazil ayaa uu u saadaaliyey inay soo dhaafi doonto waddamada South Korea iyo midkooda soo baxa Japan & Croatia, sidaas darteedna ay wareegga semi-finalka iskugu iman doonaan Argentina.
England ayaa caawa garaaci doonta Senegal, sidoo kalena France ayaa ku tuman doonta Poland, waxaana siddeedda iskugu iman doona labada xul ee awoodda badan ee France vs England, iyadoo Supercomputer uu semi-finalka u diray France oo reebi doona England.
Spain waxay durduro kusoo dhaafi doontaa Morocco, balse waxa niyad-jabkii ugu weynaa ku dhacayaa Portugal oo ku hadhi doonta wareegga 16ka, sida ay saadaashani sheegayso, waxaana garaaci doonta oo ka badin doonta Switzerland.
Saadaasha Supercomputer ee wareegga siddeedda
- Argentina
- Netherlands
- Brazil
- Japan
- England
- France
- Spain
- Switzerland
Sidee ayay iskugu dhacayaan?
Argentina vs Netherlands
Brazil vs Japan
France vs England
Spain vs Switzerrland
Saadaasha Supercomputer ee wareegga semi-finalka
Argentina
Brazil
France
Spain
Sidee ayay iskugu dhacayaan?
Argentina vs Brazil
France vs Spain
Saadaasha Supercomputer ee finalka
Waxa finalka usoo bidi xoona Brazil oo soo garaaci doonta Argentina, sida Supercomputer uu ku sheegay saadaashiisa, waxaanay finalka iskugu iman doonaan France oo iyaguna kusoo tuman doona Spain. Halkan waxa ka dhici doona finalkii 1998kii oo ku-celis ah, waxaana aargoosan doonta Brazil oo koobka ku guuleysan doonta.
Sawirkan kaga bogo saadaasha oo dhamaystiran