Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka Premier League kaddib markii ay soo dhamaadeen kulamadii usbuucan oo ay kasoo baxeen natiijooyin kooxda si’ u ahaa.
Manchester City ayaa ka faa’iidaysatay kala daadsanaanta Chelsea oo saddex dhibcood kaga soo qaadatay Stamford Bridge, hase yeeshee Arsenal ayaa ogolaatay in City ay fursad siiso oo shan dhibcood ay noqoto hoggaaminteedu, kaddib markii ay barbarro la gashay Newcastle United.
Manchester United iyo Tottenham ayaa guulo waaweyn soo gaadhay oo kaalinta afraad ku dagaallamaya, laakiin niyad-jabku wuxuu ku dhacay Liverpool oo ay iskugu darsameen guul-darro ay usoo xambaarisay Brentford iyo dhaawac muddo dheer uu ku maqnaanayo Virgil van Dijk oo isku raacay.
Natiijooyinkii kulamada usbuucan kaddib, Supercomputer ayaa sameeyey saadaal kooxaha qaarkood ka farxisay, kuwo kalena naxdin ku ahayd, waxaanay kala saareen Arsenal iyo Manchester City oo loo sheegay midkooda horyaalka ku guuleysanaya, halka midkooda kalena loogu bushaareeyey kaalinta labaad oo aanay cidi ku qabsanayn.
Labada kooxood ee ay kala hoggaaminayaan labada tababare ee reer Spain ee hore uga soo wada shaqeeyey Etihad Stadium ayuu Supercomputer u sheegay in aanay wada qosli doonin oo uu midkood murugoon doono, waxaana libinta la hoyan doona midkooda da’da weyn.
Saadaasha Supercomputer waxay sheegtay in Manchester City ay soo qaban doono Arsenal oo ay hoggaanka kala wareegi doonto, sidaana ay markii saddexaad oo xidhiidh ah ugu guuleysan doonto horyaalkaa Premier League.
Arsenal ayay xiddigaheeda da’yartu ku qanci doonaan booska kaalinta labaad oo ay ku dhamaysan doonaan, waxaana dhibaato ku noqon doonta sida ay u buuxinayaan booska Gabriel Jesus dhaawaca kaga maqan yahay oo saamayntiisii ciyaareed iyo khibraddiisiiba la tebay kulankii Newcastle United.
Manchester United ayaa kaalinta saddexaad ee horyaalka aku dhamaysan doonto, balse Liverpool oo laba xilli ciyaareed oo isku-xigta ay Man City horyaalka ka qaadday ayaa diiwaangashan doonta hoos u dhac weyn oo kaalinta afraad ku dhamaysan doonta.
Everton ayaa eryi doonta Frank Lampard, balse waxay u dhici doonaan heerka labaad sida ay saadaashu muujinayso, taas oo burburinaysa taariikhdii kooxda. Waxa kale oo heerka labaad u dhacaya Southampton iyo Bournemouth, iyadoo ay badbaadayaan Nottingham Forest, Wolves iyo Leeds United inkasta oo ay sagxadda hoose fadhiyayaan.
Waatan saadaasha Supercomputer ee horyaalka Premier League
Horta Super Computer 🖥 imisa jeer ayuu saadaasha bixiyaa kkkk bacaac bay meesha ku hayaan.