Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa qaybtiisii labaad la dheelay kulamadii ugu horreeyey, taas oo ka dhigan in ay hadhsan yihiin 18 ciyaarood inkasta oo naadiyada qaarkood ay min hal ciyaar baaqi u tahay.
Arsenal ayaa hoggaanka dheeraysatay usbuucan oo siddeed dhibcood ku qabatay markii ay Manchester United ka reebtay Man City oo labaad ku jirta, in muddo ahna eryaynaysay.
Kaddib natiijooyinkii toddobaadkan, Supercomputer ayaa isbeddel ku sameeyey saadaashii uu hore uga bixiyey horyaalka Premier League oo ahayd in ay Man City ku guuleysan doonto, waxaana uu hadda horyaalka u caleemo-saaray Arsenal oo uu waliba ka reebay Man City oo aan awoodi doonin in ay sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah qaaddo koobka.
Xisaab ku dhisan natiijooyinka kulamadii hore, sida ay u xidhiidhsan yihiin kulamada adag ee kooxaha waaweyn, tirada goolashii ay soo dhaliyeen ama laga dhaliyey iyo heerka cadaadiska ay koox walba samaynayso ayaa uu Supercomputer kusoo saaray saadaashan oo loo isticmaalo hannaan casri ah.
Doorkan waxa saadaasha loo isticmaalay BETSiE oo la mid ah qaaciidooyinkii xG iyo xA ee uu hore Supercomputer u adeegsan jiray, waxaana soo baxday in Arsenal ay lix dhibcood oo nadiif ah ku qaadi doonto horyaalka, kaalinta labaadna ay Man City ku dhamaysan doonto.
Arsenal oo waqti horeba xoogsatay 47 dhibcood 18 ciyaarood oo ay dheeshay, ayaa waxa uu Supercomputer sheegay in dhibcaha ay ku qaadayso horyaalku noqon doonaan 87 dhibcood, halka Manchester City ay 81 dhibcood ku dhamaysan doonto.
Saadaashani waxay waxay ka hor timid dooddii Gary Neville ee ahayd in Manchester United soo qaban karto Arsenal oo sagaal dhibcood ka horreysa, sidoo kalena ay Man City ku guuleysanayso horyaalka.
Halkan kaga bogo saadaasha cusub ee Supercomputer uu ka sameeyey horyaalka Premier League