Athos Salome waa 36 jir dunida caan kaga noqday saadaalaha layaabka leh ee uu sameeyey sannadihii ugu dambeeyey. Dalkiisa Brazil waxa loogu yeedhaa ‘Modern Nostradamus’ oo ay ku mataalayaan gabayaagii Faransiiska ahaa ee saadaalaha badan gabayada kusoo bandhigay, isaga oo wax kasii sheegaya mustaqbalka.
Sannadkii 2020 ayuu Athos Salome saadaaliyey in dunida uu ka dillaacayo xanuun aafeeya oo go’doon kala geliya dalalka iyo isku-socodka adduunyada oo dhan, waana la arkay oo wuxuu noqday COVID-19. Intaas uun ma ahayn, waxa uu haddana saadaaliyey in uu adduunyada ka dhacayo dagaal saamayn xun yeesha oo reer Galbeedka iyo Ruushka, isaga oo si cad u tilmaamay in sannadkan 2022 ay dagaallami doonaan Ruushka iyo Ukiraine.
Waxa kale oo uu Athos Salome saadaaliyey horraantii sannadkan, in ay dhimanayso Boqoradda Britain ee Queen Elizabeth II ee dhowaan bakhtiday.
Saddexdan saadaalood markii uu sameeyey Athos Salome ayaa loogu yeedhay magaca ‘Modern Nostradamus’, waxaanay dadka qaarkood ugu yeedhaan sixiroole.
Hadda, waxa uu Athos Salome saadaaliyey Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar, waxaana layaableh in dalkiisa Brazil uu sheegay in aanay gaadhi doonin finalka oo lagu reebi doono semi-finalka.
Athos Salome ayaa waxa uu sheegay, in afar ka mid ah shantan waddan ay tegi doonaan semi-finalka, waana Argentina, Brazil, Belgium, France iyo England, laakiin finalka ay iskugu iman doonaan Lionel Messi iyo Kylian Mbappe oo kala hoggaaminaya Argentina iyo Faransiiska.
Waxa kale oo uu saadaashiisa ku sheegay, in France ay ku guuleysanayso Koobka Adduunka ee sannadkan oo ay difaacan doonaan koobka ay 2018 ku qaadeen Ruushka.
Sheekada had ayeey fashilmeey haduuba France final keeay
Waxaan Aaminsanahay inuu Beenaale Yahay