Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

SAADAAL: Paul Merson Oo Saadaaliyey Wareegga SIDDEEDDA Koobka Adduunka & Afarta Xul Ee Uu Soo Saaray

by Abdiwahab Ahmed
December 9, 2022
0
SAADAAL: Paul Merson Oo Saadaaliyey Wareegga SIDDEEDDA Koobka Adduunka & Afarta Xul Ee Uu Soo Saaray

Khabiirka ciyaaraha ee Paul Merson ayaa saadaaliyey wareegga 16ka Koobka Adduunka, waxaana uu meesha ka saaray afar dal oo waweyn oo uu sheegay in aanay u gudbi doonin wareegga xiga.

ADVERTISEMENT

Xulka qaranka Faransiiska ee Koobka difaacanaya ayaa uu Paul Merson meel uga waayey wareegga labaad, waxaana uu ku dooday in guul-darro uu la socda xasuuq ay kala kulmi doonaan England oo si xun u jiid-jiidi doonta Sabtida.

Paul Merson waxa uu intaa ku daray, in xulka qarankiisa England ay durduro ku tegi doonaan semi-finalka markii labaad oo xidhiidh ah, mar haddii ay garaacaan Faransiiskana ay u fududaan doonto inay usii socdaan finalka oo ay waliba koobka ku guuleystaan.

Wareegga siddeedda oo dalalka awoodda badan ee usoo gudbay ay ka mid yihiin England vs France, waxa uu meesha ka saaray France, natiijada ay ku kala badinayaanna hoosta ayaa uu ku faahfaahiyey, halka Brazil & Portugal ay la kala ciyaarayaan Croatia iyo Morocco, sidoo kalena Argentina uu sugayo dagaal adag oo ah inay iska dhiciyaan Netherlands.

ADVERTISEMENT

Kaddib markii uu Ingiriiska u diray semi-finalka, waxa kale oo uu Paul Merson guul siiyey Brazil oo uu sheegay in caawa ay karbaashi doonto Croatia, balse Argentina ayaa iyaduna guul-drraysan doonta, waxaana rikoodheyaal ku garaaci doonta Netherlands kulan la iska dhalinayo afar gool.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Khabiirka ciyaaraha ee Paul Merson waxa kale oo uu saadaaliyey, in Portugal guul aanay ku dhibaatoonin ay ka gaadhi doonto Morocco oo ay abuuri doonto semi-final adag oo England vs Portugal ah.

Saadaasha Paul Merson ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka

Croatia 0-2 Brazil

Netherlands 2-2 Argentina – Netherlands ayaa rikoodheyaal ku badinaysa

ADVERTISEMENT

Portugal 2-0 Morocco

England 3-1 France

Share421Tweet263
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.