Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

SAADAAL: Man United Oo Qabanaysa City, Natiijada Arsenal vs Spurs & Niyad-jabka Liverpool Ee Sii Soconaya – Saadaasha Paul Merson Ee Kulamada Horyaalka Premier League Ee Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
January 12, 2023
0
Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Toddobaadkan – Midkee Guuleysanaya Liverpool & Manchester City?

Khabiirka kubadda cagta ee Paul Merson ayaa saadaaliyey kulamada adag ee horyaalka Premier League ee toddobaadkan, kuwaas oo natiijooyinkoodu si buuxda saamayn ugu yeelan doonaan miiska kala-sarraynta horyaalka ee kaalmaha sare.

ADVERTISEMENT

Kooxda hoggaanka horyaalka haysa ee Arsenal ayaa waxay garoonkeeda Emirates Stadium ku martigelin doontaa Tottenham iyaga oo usbuucii horena barbarro goolal la’aan ah la galay Newcastle United xilli ay caddaalad-darro kaa tirsadeen garsoorihii kulankaas.

Manchester Derby ayaa la sugayaa oo Sabtida garoonka Old Trafford ku kulminaya Manchester United iyo Manchester City oo kaalmaha labaad iyo afraad kaga jira miiska kala-sarraynta. Haddii ay United guuleysato waxay u dhowaan doontaa City iyadoo dhinca kalena fursad siinaysa Arsenal oo siddeed dhibcood ku qaban karta hoggaanka balse waa inay iyaguna ka badiyaan Tottenham.

Liverpool ayaa uu imtixaan adag sugayaa, waxaanay marti u noqonayaan Brighton & Hove Albion, iyadoo usbuucii horena ay Brentford kusoo karbaashtay 3-1.

ADVERTISEMENT

Paul Merson, waxa uu bixiyey saadaal inta badan kooxaha isku-garab ridaysa oo dhibcaha lagu wadaagayo, gaar ahaan naadiyada waaweyn. Ciyaarta London Derby ee Arsenal iyo Tottenham ayaa uu Merson sheegay inay ku dhamaan doonto 2-2 taas oo haddii ay dhacdo noqonaysa markii koowaad ee laba ciyaarood oo xiidhiidh ah ay Gunners dhibco lumiso xilli ciyaareedkan.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Waxa kale oo min laba gool iska dhalin doonta Manchester United iyo Manchester City, halka Brighton ay qaban doonto Liverpool oo ay dhibcaha wadaagi doonaan.

Chelsea  ayaa waxay ciyaarteeda Fulham ee caawa sii wadan doontaa niyad-jabka sida ay sheegayso saadaasha Paul Merson, balse waxay Blues jidka  guusha kusoo laaban doontaa Axadda oo ay qaabbili doonto Crystal Palace.

Saadaasha Paul Merson ee kulamada horyaalka Premier League  ee usbuucan

Fulham 1-1 Chelsea

ADVERTISEMENT

Aston Villa 3-1 Leeds United

Manchester United 2-2 Manchester City

Wolverhampton Wanderers 1-0 West Ham United

Nottingham Forest 1-0 Leicester City

Brighton & Hove Albion 2-2 Liverpool

Everton 2-0 Southampton

Bournemouth 0-3 Brentford

Chelsea 2-0 Crystal Palace

 Newcastle United 2-0 Fulham

Tottenham Hotspur 2-2 Arsenal

Share529Tweet331
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.