Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

SAADAAL: Arsenal Oo Xasuuqaysa Man United, Natiijada Liverpool vs Chelsea Iyo Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
January 20, 2023
0
Saadaasha Khabiirka Cusub Ee BBC Sport Ee Kulamada Furitaanka Horyaalka Premier League Ee Usbuuca Koowaad

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa toddobaadkan dhacayaa kulamo adag oo natiijooyinkoodu ay isbeddel ku samayn doonaan sida uu u yaallo miiska kala-sarrayntu, waxaana si weyn isha loogu hayaa isku-dhaca Arsenal oo hoggaanka haysa iyo Manchester United oo saddexaad fadhida.

ADVERTISEMENT

Waxa kale oo toddobaadkan ballansan Chelsea oo tobnaad fadhida oo safar ugu tegi doonta Liverpool oo Sabtida garoonka  Anfield ku qaabbili doonta Blues oo ay u tahay ciyaartoodii koowaad ee xilli-ciyaareedkan sababtoo ah kulankoodii bishii October dib ayaa loo dhigay.

Khabiirka  kubadda cagta ee Chris Sutton ayaa saadaashiisa usbuuclaha ah oo uu soo saray waxa uu kga nixiyey Manchester United oo uu guul-darro ugu bushareeyey, halka Graham Potter iyo Jurgen Klopp aanu midkoodna guul heli doonin.

Chris Sutton ayaa yidhi: “Manchester United nasiib ayay kaga badisay Arsenal kulankoodii bishii September ee Old Trafford. Waxay ila tahay in laabada kooxoodba ay awood u leeyihiin inay guuleystaan laakiin waxay ka dheeli doonaan weerar rogaal-celis ah.”

ADVERTISEMENT

Sutton oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey: “Laakiin Arsenal ayaa haysata kalsooni buuxda, goolhayahooda Aaron Ramsdale na si heersare ah ayuu u ciyaarayaa. Iyaga ayaa guuleysanaya.”

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Khabiirku waxa uu sheegay, in Arsenal ay saddex gool ku hubsan doonto goolka uu waardiyaha  ka yahay David de Gea, sidoo kalena hal gool laga dhalin doono, halka Chelsea iyo Liverpool uu u saadaaliyey inay dhibcaha ku qaybsan doonaan Anfield.

Halkan kaga bogo saadaasha  kulamada usbuuca ee horyaalka Premier  League

Sabti

Liverpool 1-1 Chelsea

ADVERTISEMENT

Bournemouth 0-1 Nottingham Forest

Leicester City 1-2 Brighton

Southamapton 1-1 Aston Villa

West Ham 0-0 Everton

Crystal Palace 1-1 Newcastle United

Axadda

Leeds United 2-2 Brentford

Manchester City 2-0 Wolves

Arsenal 3-1 Manchester United

Isniinta

Fulham 2-1 Tottenham

Share420Tweet263
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.