Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

SAADAA: Arsenal Oo Laga Badinayo, United Oo Kaalinta Afraad Soo Gelaysa Iyo Saadaasha Khabiirka BBC Sports Ee Kulamada Horyaalka Premier League Ee Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
December 30, 2022
4
Khabiirka Cusub Ee BBC Sport Oo Saadaaliyay Kulamada Isbuuca 2aad Ee Premier League & Man United Oo Xasuuq Loo Saadaaliyay

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premeir League ayaa la ciyaarayaa kulamadii 17aad inkasta oo naadiyo badan ay u noqonayso usbuucoodii 16aad oo ay ciyaaro baaqi u yihiin.

ADVERTISEMENT

Khabiirka ciyaaraha ee Chris Sutton ayaa saadaaliyey kulamada usbuucan, waxaana uu sii xoojiyey tartanka hoggaanka sare ee horyaalka Premier League oo ay Arsenal shan dhibcood ku hayso, inkasta oo Man City ay dib ugu soo laabatay kaalinta labaad oo ay si ku-meelgaadh ah u lumisay Isniintii.

Dhamaadka bisha January oo ahayd waqtiga uu horyaalka Premier League ugu mashquulka badan yahay ayaa waxa sannadkan dhabqiyey Koobkii Adduunka, hase yeeshee saddex maalmood gudahood ayay naadiyadu markii labaad ciyaarayaan.

Liverpool ayaa garoonkeeda kusoo dhoweyn doonta Leicester City, waxaana uu khabiirka BBC Sports ee Sutton uu saddexda dhibcood siiyey Liverpool oo uu waliba ugu daray saddex gool, laakiin kooxaha reer London ee West Ham iyo Brentford oo ku kulmaya London Stadium ayaa dhibcaha qaybsan doona.

ADVERTISEMENT

Isbedello waaweyn ayaa dhici doonta toddobaadkan sida ay saadaashu sheegtay, waxaana la qaban doonaa oo guul-darradii labaad ee xilli ciyaareedka loo xambaarin doonaa Brighton & Holve Albion. Haddii ay tani rumowdo, waxa ay ka dhignaan doontaa in Gunners ay laba dhibcood oo kaliya ku hayn doonto hoggaanka.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Sidoo kale, Tottenham ayaa barbarro la geli doonta Aston Villa, waxaana fursaddaas ka faa’iidaysan doonta Manchester United oo dhibic kaliya ka hoosaysa oo soo geli doonta kaalinta afraad iyada oo laba dhibcood dhaafi doonta Spurs.

Manchester City ayaa iyaduna xasuuq weyn geysan doonta, waxaana uu weeraryahankeeda Erling Haaland ku goolal tirsan doonaa Everton oo uu waqtigu ku adag yahay, waxaana la filayaa in haddii ay sidaasi dhacdo shaqada laga caydhiyo Frank Lampard oo horeba loo sheegay in la qoray warqaddii lagu eryi lahaa.

Chelsea ayaa iyaduna sare usookici doonta dhibco ahaan, laakiin waxay kusii jiri doonaan kaalinta siddeedaad maadaama ay saadaashu sheegayso in kooxaha toddobaad  iyo lixaad ku jira ee Brighton & Liverpool ay guuleysanayaan.

Saadaasha khabiirka cusub ee BBC Sports ee usbuuca 17aad ee Premier League

ADVERTISEMENT

Jimce

West Ham 1-1 Brentford

Liverpool 3-1 Leicester City

Sabti

Wolves 1-2 Manchester United

Bournemouth 1-1 Crystal Palace

Fulham 2-0 Southampton

Manchester City 5-0 Everton

Newcastle 2-0 Leeds United

Brighton 2-1 Arsenal

Axad

Tottenham 2-2 Aston Villa

Nottingham Forest 2-1 Chelsea

Share386Tweet242
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Comments 4

  1. moha says:
    1 month ago

    kkkkkkkkkk united fanis inaad aheydeen waan ogeyn war bahasha cusbo u yeela Arsenal 5 :0 ayey ku badineysaa totaham 2:1 ayey ku badineysaa united 3:0 ayaa candhada laga galinayaa chalsea sidoo kale wey badineysaa sakiin liq hee

    Reply
  2. Abdikadir Saed says:
    1 month ago

    Arsenal way badinaysa horyaalkana way qaadi doonta Insha Allah

    Reply
  3. Xasan cail says:
    1 month ago

    Arsenal is always arsenal wish u success

    Reply
  4. Abdi yare says:
    1 month ago

    Isagaa qoray Brighton Albion waa lava badinayaa bal qoraalkaaga sib u fiiri Misa kale qayb iyo wax dhacaya gaal xumi waxba kama oga

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.