Halyeeyga Manchester United Roy Keane ayaa ku weeraray xiddigaha Brazil iyo tababare Tite inay xushmad darro u muujiyeen South Korea ka dib markii ay jaaseen dhamaan afartii gool ee ay dhaliyeen.
Goolal ka kala yimid Lucas Paqueta, Richarlison, Neymar iyo Vinicius Jr ayaa Brazil ku hogaamiyay inay 4-1 ku xasuuqdo South Kora ciyaartii ka dhacday garoonka Stadium 974.
Brazil oo loo arko xulka ugu cad cad tartanka Koobka Adduunka ayaa haatan wareega sideed dhamaadka waxay la ciyaareysaa xulka Croatia 9ka bishaan Disember.
Si kastaba, Roy Keane ayaan la dhicin sida ay xiddigaha reer Brazil u dhaqmeen ka dib markii ay goolal ka dhaliyeen South Korea.
Ciyaartoyda Brazil sida Neymar iyo Vinicius Jr ayaa la arkayay iyagoo jaasaya ka dib goolkii furitaanka ee daqiiqadii 7aad.
Tababaraha Brazil Tite ayaa isna kursiga keydka kula jaasay xiddiga Tottenham Richarlison ka dib markii ay goolka seddexaad ka dhaliyeen South Korea.
Roy Keane oo u hadlayay ITV waqtigii nasashada ayaa sheegay inuu mooday inuu daawanaya barnaamijka loogu tartamo jaaska iyo qoob ka ciyaarka ee Strictly Come Dancing.
Wuxuu sheegay inay xushmad darro aheyd in Brazil ay jaas iyo qoobka ciyaar sameyso wixii ka danbeeyay goolka Vinicius Jr.
“Waxaan qabaa inay xushmad darro tahay inay sidaas u jaasaan mar kasta oo ay gool dhaliyaan. Waxba uma arkin jaaskoodii goolka hore laakiin ma aheyn inay jaasaan gool walba.
“Waa xushmad darro weyn. Xitaa tababarahooda ayaa ka qeyb qaatay. Ma aanan jecleysan.”