Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Roy Keane Oo Doortay Xiddiga Arsenal Ku Jira Ee Dhammaan Kooxaha Yurub U Ciyaari Kara?

by Apdihakem Omer Adam
January 24, 2023
0
Roy Keane Oo Sheegay SADDEXDA Xiddig Ee Kaliya Ee Uu Kasoo Reebi Lahaa Safka Haatan Ee Man United

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa amaan ugu qubeeyay da’yarka garabka midig ee Arsenal ee Bukayo Saka isagoo ku dooday inuu koox kasta oo Yurub ah haatan u ciyaari karo.

ADVERTISEMENT

Keane ayaa kamid ahaa falanqeeyayaasha Sky Sports joogay kulankii Arsenal Axadii guusha 3-2 ah ka gaadhay Man United.

Goolkii cajiibka ahaa ee uu Saka ka dhaliyay Manchester kulankaas ayaa ka dhigay mid xilli ciyaareedka toddoba gool iyo toddoba caawimo ka sameeyay Premier League.

Keane oo kulankaas kaddib hadlay ayaa sheegay inuu jecel yahay daawashada Bukayo Saka isla markaana uu xataa Real Madrid u ciyaari karo wakhtigan.

ADVERTISEMENT

“Waan jecelahay waxkasta oo isaga ku saabsan, isagu wuxuu u ciyaari karaa koox kasta oo weyn oo Yurub ah, Real Madrid ayaan ku darayaa halkaas” ayuu yidhi Keane.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

“Waxaan filayaa inuu sidaas u fiican yahay, isagu waa hibo cajiib ah, waan jecelahay daawashadiisa”.

Bandhigyada wanaagsan ee Saka ayaa sababay in qiimihiisa suuqu 100 Milyan oo euro gaadho sanadkan 2023, heshiiska uu kula jiro Arsenal ayaa ah mid dhacaya xagaaga 2024.

Arteta iyo maamulka kale ee Arsenal ayaa muhiimada koowaad siin doona heshiis kordhin uu sameeyo xiddiga kasoo qalin-jabiyay kuliyada da’yarta kooxda ee Hale End.

Image

ADVERTISEMENT
Share387Tweet242
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.