Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

“Roog Cas Uma Dhigi Doono” – Kyle Walker Oo Ku Dhaartay In Aanu Wax Ixtiraam Ah U Muujin Doonin Kylian Mbappe

by Abdiwahab Ahmed
December 8, 2022
0
“Roog Cas Uma Dhigi Doono” – Kyle Walker Oo Ku Dhaartay In Aanu Wax Ixtiraam Ah U Muujin Doonin Kylian Mbappe

Kyle Walker ayaa ballan-qaaday in uu halgan adag la geli doono xiddiga reer France ee Kylian Mbappe kulanka Sabtida ee wareegga siddeedda Koobka Adduunka ee England iyo France ay garoonka Al Bayt Stadium ku ballansanyihiin.

ADVERTISEMENT

Mbappe ayaa noqday hadal-haynta ugu badan ee Koobka Adduunka markii uu hoggaanka u qabtay tartanka kabta dahabka ah ee gool-dhalinta oo uu shan gool saxeexay afar ciyaarood gudahood, waxaana la is-weydiinayay difaaca uu tababare Gareth Southgate usoo xulan doono sidii uu u joojin lahaa.

Walker oo hore ay ugu soo xafiiltameen tartanka Champions League ayaa taam u noqday xulka England oo labadii ciyaarood ee u dambeeyey kusoo bilowday isaga oo seegay labadii ciyaarood hore, waxaana saxaafadda oo uu la sii hadlay uu ku dhaartay in aanu ‘roog cad u dhigi doonin Mbappe’.

Waxa kale oo uu Kyle Walker sheegay in aanu wax ixtiraam ah u muujin doonin Mbappe oo uu halganka ugu adag ee suurtogalka ah la geli doono, waxaanau yidhi: “Ciyaartu ma aha mid u dhaxaysa England iyo Mbappe, balse waa mid u dhaxaysa England vs France.

ADVERTISEMENT

“Waanu ixtiraami doonaa, laakiin anigu roog cad u dhigi maayo isaga si uu gool u dhaaliyo. Waa nolol ama geeri sababtoo ah haddii aanu guul-darraysano waxa aanu ku laabanaynaa waddankayagii.”

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Mar la weydiiyey sida uu u joojin karayo Mbappe, waxa uu ku jawaabay: “Waan fahamsanahay waxa aan u baahanahay in aan sameeyo, waana in aan joojiyo isaga. Way fududahay in afka laga hadlo marka ay noqoto in ficil la sameeyo, laakiin anigu hoos iskuma dhisayo.

“Waxa aan hore uga hor tegay ciyaartooyo waaweyn, markaa waxa aan ula dhaqmayaa sidii ciyaar kale uun. Waan siin doonaa ixtiraamka uu u qalmo, laakiin ma noqon doono ixtiraam badan sababtoo ah ciyaartani waa xulka England.”

ADVERTISEMENT
Share424Tweet265
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.