Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Ronaldo Waxa Uu Mustaqbalkiisu Kusoo Dhamaaday Waraysigii Piers Morgan, Messi-na Waxa Uu Ku Guuleystay Koobka Adduunka”

by Abdiwahab Ahmed
January 2, 2023
0
“Ronaldo Waxa Uu Mustaqbalkiisu Kusoo Dhamaaday Waraysigii Piers Morgan, Messi-na Waxa Uu Ku Guuleystay Koobka Adduunka”

Halyeygii Liverpool iyo xulka Englaand ee Jamie Carragher ayaa sheegay inuu soo dhamaaday mustaqbalka Cristiano Ronaldo markii uu waraysiga siiyey wariyaha ciyaaraha ee Piers Morgan ka hor intii aanu bilaabmin Koobka Adduunka ee Qatar, laakiin xiddigii ay xafiiltamayeen ee Lionel Messi uu is-muujiyey oo uu ku guuleystay koobkii ugu weynaa ee uu raadinayay oo ah Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Ronaldo oo bishii November ay Manchester United burburisay heshiiskiisa kaddib waraysi uu siiyey Piers Morgan ayaa waxa uu u wareegayy kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr FC oo sannadkii mushahar u siinaysa £175 milyan oo Gini, taas oo ka  dhigaysa xiddiga ugu mushaharka badan guud ahaan dunida kubadda cagta.

Lionel Messi ayaa isaguna isku qoray buugga taariikhda  kubadda cagta, waxaana uu ku biiraya liiska siddeed ciyaartoy oo hore ay ku jireen oo ah xiddigaha ku guuleystay Koobka Adduunka, Ballon d’Or iyo Champions League.

Jamie Carragher oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayaa yidhi: “Dhamaad murugo leh ayay u tahay. Ronaldo waxa uu waayihiisa ciyaareed kusoo dhamaaday waraysigii Piers Morgan, halka uu Messi ku guuleystay Koobka Adduunka.”

ADVERTISEMENT

Cristiano Ronaldo ayaa sameeyey cinwaannada waaweyn ee warbaahinta markii uu xagaagii iska diiday inuu kooxdiisa u raaco safarkii ay ku tageen waddamada Thailand iyo Australia, iyadoo bishii November na uu bixiyey waraysi gilgilay United oo uu eedaymo ugu jeediyey Erik ten Hag, kooxda iyo sidoo kale mulkiileyaasha Red Devils.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Waxa kale oo uu eedeeyey tababarihii hore ee Man United ee Ralf Rangnick iyo tiro halyeeyadii hore ee Manchester United ah sida Gary Neville iyo Wayne Rooney, waxaanay taasi keentayin Manchester United ay burburiso heshiiskii ay kula  jirtay.

ADVERTISEMENT
Share332Tweet208
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.