Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sharraxaad buuxda ka bixiyey sababta uu ugu biiray kooxda reer Sucuudi Carabiya ee Al Nassr oo uu heshiis laba sannadood iyo badh ah u saxeexay, bil kaddib markii ay Manchester United burburisay qandaraaskii ay kula jirtay.
Saxaafadda ayuu la hadlay Ronaldo markii uu heshiiska saxeexay, waxaana uu sharraxay sababtii uu ugu wareegay kooxda reer Sucuudi Carabiya, waxaanu yidhi: “Waxa aan aad ugu faraxsanahay khibradda in aan ku biiro horyaal kubadda cagta ah oo cusub oo waddan kale ah. Aragtida waxa ay Al Nassr samaynayso iyo horumarka Sucuudi Carabia ka samaynayo kubadda cagta ragga iyo dumarka waa wax yididiilo ku gelKinaya. Waynu arki karnaa bandhiggii uu dhowaan Sucuudi Carabia ka sameeyey Koobka Adduunka, waxayna muujinaysaa damaca weyn ee kubadda cagta ee dalkan iyo waxyaabaha ay samayn karayaan.
“Nasiib ayaan u yeeshay in aan kusoo guuleystay wax walba intii aan ka ciyaarayay qaaradda Yurub, waxaanan dareemay in la gaadhay waqtigii ku habboonaa ee aan khibraddayda la wadaagi lahaa qaaradda Asia. Waxa aan rajaynayaa in aan ku biiri doono ciyaartoyda kooxdayda cusub oo aanu si wada jir ah uga caawin lahayn kooxda inay guulo gaadho.”