Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Ciyaaro Caalami

Ronaldo Nazario Oo Door Weyn Ku Yeelanaya Magacaabista Tababaraha Cusub Ee Xulka Brazil

by Abdiwahab Ahmed
January 19, 2023
0
Lewandowski Mise Benzema? Halyeey Ronaldo Nazario Oo SAADAALIYAY Xiddiga Go’aamin Doona El-Clasico

Xulka qaranka Brazil ayaa wali raadinaya tababare kaddib markii uu iska casilay Tite bishii December waxaana jira tiro tababareyaal ah oo lala xidhiidhinayo in uu midkood noqon doono macallinka cusub ee uu xidhiidhka kubadda cagta Brazil magacaabi doono.

ADVERTISEMENT

Tababarihii hore ee kooxda Santos ee Tite oo labadii Koob Adduun ee ugu dambeeyey hoggaaminayay xulka qaranka Brazil, ayaa hore loosii ogaa inuu ka tegayo xulka balse waxa uu ku degdegay go’aankiisa markii ay Croatia ku garaacday rikoodheyaal wareeggii siddeedda Koobka Adduunka.

Xidhiidhka  kubadda cagta Brazil ee magaciisa loosoo gaabiyo CBF ayaa la rumaysan yahay in ay doorbidayaan in ay tababare ajaanib ah u dhiibaan xulkooda markiiugu horreysay taariikhda, sababtana waxa  lagu sheegay in ay beddelayaan falsafaddooda ciyaareed kaddib 20 sannadood oo ay gacmo madhan ka taagan yihiin Koobka Adduunka.

Ciyaartoydii hore ee xulka qaranka Brazil ayaa fikradahooda ka dhiibanaya tababaraha ay tahay in la magacaabo, laakiin intooda  badan ayaa isku raacsan in markan loo baahan yahay macallin ajaanib ah, waxaana magacyada lala xidhiidhinayo ka mid ah Zinedine Zidane, Jose Mourinho, Pep Guardiola iyo Luis Enrique.

ADVERTISEMENT

Sida uu qoray wargeyska Sport, Ronaldo Nazario ayaa u bandhigay CBF in uu doonayo inuu qaato doorka dhexdhexaadinta iyo raadinta tababaraha cusub, si uu dalkiisa uga caawiyo inay helaan macallin reer Yurub ah oo ku habboon shaqada loo dhiibayo.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Ronaldo ayaa la sheegay in aanu shaki ku jirin inuu ku fiican yahay shaqada dhaxdhaadinta iyo qancinta dadka isaga oo isticmaalaya sumcaddiisii ciyaartoynimo iyo hadda oo uu yahay mulkiilaha kooxda reer Spain ee Real Valladolid iyo sidoo kale Cruizero oo ka dhisan dalkiisa Brazil.

ADVERTISEMENT
Share280Tweet175
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.