Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Robert Lewandowski Oo Loo Ogolaaday Inuu Ciyaaro Kulanka Barcelona Derby

by Abdiwahab Ahmed
December 30, 2022
0
Barcelona Oo Jawaab Ka Heshay Racfaankii Ugu Dambeeyay Ee Ay Ka Qaadatay Ganaaxii Lewandowski & Haddii La Aqbalay

Barcelona ayaa xaqiijisay in weeraryahankeeda Robert Lewandowski uu ciyaari doono kulanka Derby-ga ah ee Espanyol ee Sabtida ee ay martida yihiin, kaddib markii rafcaan ay ka qaateen ganaax saddex ciyaarood ah oo la saaray laacibkan.

ADVERTISEMENT

Robert Lewandowskio ayaa casaan la siiyey ciyaartii Osasuna ee ka hor koobkii adduunka, iyadoo garsooruhu uu laba kaadh oo digniin ah isku raaciyey 31 daqiiqadood gudahood.

Barcelona ayaa inkasta oo Lewandowski laga saaray waxay xoogsatay saddexd dhibcood iyag oo 2-1 ku adkaaday. 34 jirkan ayaa markaas kaddib waxa lagu riday ganaax laba ciyaarood ah oo dheeraad ah iyo ciyaartii uu marka horeba casaank ku maqnaan lahaa, iyadoo garsooraha ciyaartu uu sheegay inuu aflagaado iyo anshax xumo ku kacay.

Rafcaan ay Barcelona hore uga qaadatay ganaaxan ayaa waxa soo diiday guddida Rafcaank ee xidhiidhka kubadda cagta Spain, kaddibna Barcelona ayaa tagtay maxkamadda CAS oo ay rafcaan u qaadata taas oo iyaduna raacday ganaaxii hore ee guddida anshaxa ee Spain ee saddexda ciyaarood ahaa.

ADVERTISEMENT

Barca intaa kuma aanay joogin, waxaanay mar kale tagtay maxkamadda Madrid oo ka aqbashay rafcaanka oo dib loo eegayo, waxaanay taasi keentay in Lewandowski loo ogolaado ciyaarta Sabtida inkasta oo aanay wali maxkamaddu go’aan rasmi ah soo saarin.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

War-saxaafadeed ay Barcelona soo saartay ayaa lagu yidhi: “Robert Lewandowski waxa uu ciyaari doonaa kulanka berri ee Espanyol kaddib markii ay maxkamadda dhexe ee Madrid ogolaatay rafcaan ah in la qaado tallaabo hordhac ah oo la xidhiidha ganaaxii ay soo rogtay TAD.”

ADVERTISEMENT
Share298Tweet186
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.