Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Robert Huth Oo Saadaaliyey Horyaalka Premier League, Kooxdiisii Oo Uu Ka Saaray Champions League Iyo Afarta Sare Ee Uu Ka Farxiyey

by Abdiwahab Ahmed
September 30, 2022
0
Robert Huth Oo Saadaaliyey Horyaalka Premier League, Kooxdiisii Oo Uu Ka Saaray Champions League Iyo Afarta Sare Ee Uu Ka Farxiyey

Difaacii hore ee Chelsea ee Robert Huth ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, waxaanu ka nixiyey naadigiisa hore oo uu u sheegay in ay ka maqnaan doonaan Champions League xilli ciyaareedka dambe, kaddib markii ay shaqada ka caydhiyeen  Thomas Tuchel.

ADVERTISEMENT

Robert Huth oo u dhashay waddanka Germany ayaa rumaysan in Chelsea aanay lahayn kartidii iyo awooddii ay kaga mid noqon lahaayeen afarta kooxood ee sare ee Premier League ee xilli ciyaareedkan, inkasta oo ay sameeyeen isbeddel dhinaca tababaraha ah.

Tababaraha cusub ee Chelsea ee Graham Potter oo xilka  kala wareegay Thomas Tuchel oo shaqada laga caydhiyey markii uu ciyaartiisii 100aad layliyey Blues ayaa waxa uu saadaaliyey, in afarta sare ay ka mid noqon doonto Tottenham halka Manchester United ay iyaduna sannadkan degdeg ku noqonayso haddii loo saadaaliyo in ay afarta sare imanayso, maadaama uu Erik ten Hag hadda uun bilaabay isku-dubbaridka kooxdiisa.

“Aniga aragtidayda kaalinta afraad ee sannadkan ee Chelsea way isbeddeshay kaddib shaqo ka caydhintii Thomas Tuchel.” Ayaa uu yidhi Robert Huth, waxaanu sii raaciyey: “Waxa aan rajaynayay in Chelsea ay afarta sare ka mid noqon doonto khaasatan markii ay ciyaartoyda cusub soo iibsadeen xagaagii, laakiin hadda ma arkayo in ay sidaas samayn doonaan.

ADVERTISEMENT

“Waxay ila tahay in Arsenal ka mid noqon doonto afarta sare. Waxay kharash gareeyeen lacag maalgelin ah, waqtigana waa la  siin doonaa Mikel Arteta, markaa haddii ay afarta sare iman waayaan khasaare ayay ku noqon doontaa.”

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Huth waxa uu sheegay in afarta sare ay noqon doonaan kooxaha reer London ee Tottenham, Arsenal iyo labada naadi ee kale ee Manchester City iyo Liverpool.

Si kastaba, Huth ayaa muddo afar sannadood ah u ciyaaray Chelsea, ka hor intii aanu uga wareegin Middlesbrough, Stoke City iyo Leicester City oo uu kusoo qaatay waqti qurux badan intii aanu kabaha tiirin.

ADVERTISEMENT
Share384Tweet240
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.