Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Rio Ferdinand Oo Xiddiga Ugu Fiican Horyaalka Premier League U Magacaabay Ciyaartoy Arsenal Ah

by Abdiwahab Ahmed
January 17, 2023
0
Rio Ferdinand Oo Xiddiga Ugu Fiican Horyaalka Premier League U Magacaabay Ciyaartoy Arsenal Ah

Halyeyga Manchester United iyo xulka qaranka England ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan socda, waxaana uu indhaha ka laliyey Erling Haaland oo goolal badan dhaliyey, isaga oo ku dooday inuu jiro ciyaartoy kale oo ka wanaagsan.

ADVERTISEMENT

Rio Ferdinand ayaa waxa uu sheegay, in isaga aragtidiisa uu xiddiga ugu wanaagsan horyaalku uu yahay kubbad-sameeyaha Arsenal ee Martin Odegaard ee ay isku-waddanka yihiin Haaland.

Odegaard oo ah kabtanka Arsenal ayaa waxa uu bandhig heersare ah ka samaynayaa garoomada  isaga oo kooxdiisa ka caawiyey inay siddeed dhibcood ku hayso hoggaanka.

Ciyaartii Tottenham ee Axaddii ayuu mar kale iskusii muujiyey Odegaard oo gool uu meel fog ka toogtay dhaliyey, halka uu sidoo kale birta garaacay, waxaanay taasi keentay in Ferdinand uu u doorto xiddiga sannadka.

ADVERTISEMENT

“Odegaarrd waan jecelahay dariiqa uu soo maray. Waxa uu ahaa xiddig weyn isaga oo 16 jir ah markii uu yimid Real Madrid, qof kastaana waxa uu sheegayay inuu noqon doono xiddig.” Ayuu ku bilaabay Rio Ferdinand, waxaanu raaciyey: “Illaa hadda sida ay wax u socdaan, isaga ayaa ah xiddigayga sannadka. Haaland wuu sameeyey wixii uu samayn lahaa, waxa uu ahaa ciyaartoy wanaagsan, hana i qalad-fahmina. Haddii Haaland uu Haaland sii wado goolasha, balse ay Arsenal ku guuleysato horyaala oo uu Odegaard sii wado bandhiggiisa, isaga ayaa noqonaya ciyaartoyga ugu wanaagsan sannadka.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023
ADVERTISEMENT
Share407Tweet255
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.