Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Rio Ferdinand Oo Xiddiga Ku Dhibaatoonaya Liverpool Ee Darwin Nunez Barbar-dhigay Halyey Manchester United Ah

by Abdiwahab Ahmed
January 2, 2023
0
Rio Ferdinand Oo Xiddiga Ku Dhibaatoonaya Liverpool Ee Darwin Nunez Barbar-dhigay Halyey Manchester United Ah

Rio Ferdinand ayaa rumaysan inay waqti hore tahay, in la xukumo xiddiga Liverpool ku dhibaatoonaya ee Darwin Nunez, waxaana uu barbar-dhigay gool-dhaliye Manchester United u ciyaari jiray oo wacdaro ka dhigi jiray garoomada, kaas oo uu tilmaamay waxyaabo ay isku mid  ka yihiin.

ADVERTISEMENT

Nunez oo Liverpool ay xagaagii £85 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Benfica ayaan illaa hadda si buuxda u saldhigin Anfield, waxaanay dhibaatadiisu tahay goolal la’aan iyo fursadaha uu helo oo uu khasaarinayo.

21 ciyaarood oo dhamaan tartamada  ah oo uu saftay ayuu dhaliyey sagal gool iyo saddex uu caawiyey, balse waxa culays ku ah tirada fursadaha uu luminayo ciyaar kasta oo aad u badan iyadoo dhinaca kalena  halbeeg looga dhigayo Erling Haaland oo ah mishiinka goolasha Man City.

Rio Ferdinand ayaa sheegay in Darwin Nunez uu la qabsan doono horyaalka Premier League, waxaana uu barbar-dhigay gool-dhaliyihii ay isku waddanka ahaaeen ee Diego Forlan, waxaanu yidhi: “Waa in aad taxadarto marka aad ka hadlayso dadka sida Nunez oo kale ah.

ADVERTISEMENT

“Aniga waxa uu isoo xasuusiyaa Diego Forlan, bilowgii hore kuma fiicnayn goolasha, laakiin markii dambe laba jeer ayuu ku guuleystay kabta dahabka  ah ee Yurub, waxaanu noqday ciyaartoy weyn oo Uruguay ah iyo kooxo badan oo uu u ciyaaray.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

“Waxay ila tahay in Nunez ay isku mid yihiin, waanu sameeyaa  fursado. Anigu aad ayaan uga walaacsanaan lahaa haddii aanu fursado heli lahayn.

“Wali ciyaartiisu way koraysaa maadaama uu yahay ciyaartoy da’yar, waxayna ila tahay in uu wax  badan samayn doono.”

Diego Forlan ayaa Manchester United ku dhibaatooday sida Nunez oo kale, waxaana dafiray gool-dhalinta isaga  oo 98 ciyaarood oo uu u saftay kaliya dhaliyey 17 gool, laakiin kooxaha Villarreal iyo Atletico Madrid ayaa uu ka noqday mishiin gool-dhalinta ah, waxaana  324 kulan uu ugu dhaliyey 154 gool.

Sannadkii 2011 ayuu xulkiisa Uruguay u qaaday Copa America, sidoo kalena  waxa uu ku guuleystay Kubadda dahabka ah ee ciyaartoyga ugu wanaagsan iyo kabta dahabka ah ee Koobkii Adduunka 2010 oo uu xulkiisu kaalinta afraad ku dhamaystay.

ADVERTISEMENT

Rio Ferdinand oo ka hadlaya sida uu Forlan u noqday gool-dhaliye cajiib ah iyadoo uu Old Trafford ku fashilmay, waxa uu yidhi:  “Tababarka ayaad ku garanaysay in Diego Forlan ahaa ciyaartoy cajiib ah. Dhamaystirkiisa labada lugoodba layaab ayay lahaayeen.

“Waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu cajiibsan waqtiga tababarka. Wuxuu samayn jiray tababar adag, mar walbana wuxuu u shaqayn jiray sidii wax waalan.

“Waxa aan jeclaan lahaa in aan la hadlo Virgil van  Dijk ama Jordan Henderson ama Trent Alexander-Arnold ama qof kasta oo Liverpool ah, haddii uu Nunez goolal ku dhaliyo tababarka. Waxa aan weydiin lahaa, miyuu si fiican u dhaliyaa goolasha waqtiga tababarka mise uma dhaliyo?

“Haddii aanu u dhalin, markaa Nunez waxa uu ku dambaynayaa sidii Folan oo kale.”

Share312Tweet195
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.