Ciyaartii xulalka Argentina iyo Mexico ee Sabtidii ayaa jabisay rikoodhka daawashada Koobka Adduunka, waxaana kasoo garoonka iska soo xaadiriyey oo daawaday 88,966 qof, waana rikoodh aan lagu arag Koobka Adduunka muddo 28 sannadood ah.
Garoonk Lusail Stadium ee ku yaalla woqooyiga magaalada Doxa ayay waqti hore buuxiyeen taageereyaal tiro badan, si ay u daawadaan ciyaartii ay ku xidhnayd rajada xulka qaranka Argentina ee xalay, taas oo laba gool oo ay dhaliyeen Messi iyo Fernandes ay guul 2-0 ah ku hoggaamiyeen Argentina.
Lusail Stadium oo ah garoonka lagu qaban doono ciyaarta Finalka ee December 18, ayaa waxa Sabtidii ka daawaday kulankii Argentina iyo Mexico dad tiradoodu gaadhayso 88,966 qof oo garoonka fadhiyey, waana rikoodhkii ugu badnaa ee daawasho ee Koobka Adduunka loo diiwaangeliyey tan iyo finalkii Koobkii Adduunka ee 1994kii lagu qabtay Maraykanka ee ay Talyaaniga iyo Brazil rikoodheyaasha ku kala baxeen.
FIFA ayaa qoraal ay xalay soo saartay waxay ku sheegtay, in ciyaartii Argentina iyo Mexico ay ahayd middii ugu daawashada badnayd muddo 28 sannadood ah ee Koobka Adduunka ka tirsan, waxaana kaliya ka badnayd ciyaartii finalka ee Rose Bowl ee Brazil ay rikoodheyaasha ku garaacday Talyaaniga sannadkii 1994kii, taas oo ay daawadeen 91,194 qof oo fadhiyey garoonkan ku yaalla California.
Ciyaarta labaad ee ugu daawada badnayd Koobka Adduunka ee ka socda Qatar ayaa ahayd kulankii ay Brazil ku garaacday Serbia, halka ciyaartii Argentina iyo Saudi Arabia ay iyaduna saddexaad ku jirto.
Rikoodhka daawashada ee garoomada waxa dunida oo dhan haysta Maracana oo ku yaalla waddanka Brazil, waxaana Koobkii Adduunka ee sannadkii 1950kii ku daawaday 173,850 qof ciyaartii finalka Koobka Adduunka ee Uruguay ay 2-1 ku garaacday Brazil.
Maracana oo ka dhisan magaalada Rio de Janeiro ayaa illaa hadda rikoodhkiisa aanay jirin cid gaadhay, waxaase iyaguna soddonka garoon ee qaadka weyn ku jira Estadio Azteca oo ku yaalla caasimadda Mexico, garoonka Wembley Stadium ee ka dhisan magaalada London iyo garoonka Barcelona ee Camp Nou.
OFFICIAL
The attendance tonight at Lusail Stadium for #ARGMEX was the highest in men's @FIFAWorldCup history, since the 1994 Final (94,194).@Argentina | @miseleccionmx pic.twitter.com/d4Mo5NdKI3
— FIFA.com (@FIFAcom) November 26, 2022