REKOODH: Lionel Messi Oo Durba Dhigay Mid Kamida Rekoodhada Champions League Ee Ay Ronaldo Ku Tartamayeen

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa dhigay oo kali ku noqday mid kamida rekoodhada Champions League ee uu tartanku kagala dhaxeeyay Cristiano Ronaldo.

Messi ayay xalay kooxdiisa Paris guul 3-1 ah kasoo gaadhay kooxda Yuhuuda ee Maccabi Haifa, goolka koowaad oo looga naxsaday ayuu 35 sano jirkaasi kasoo guday daqiiqadii 24-aad ee kulanka.

Messi ayaa kubadda si wanaagsan ula soo ciyaaray Kylian Mbappe kaas oo ugu dambayn usoo qaaday isla markaana ka caawiyay Argentine-kaas inuu dhaliyo goolka.

Advertisements

Rekoodhka uu goolkaas Leo ku dhigay ayaa ah inuu noqday xiddiga goolasha ugu badan kasoo dhaliyay kooxaha ugu badan ee kala duwan taariikhda Champions League maadaama oo uu haatan 39 kooxood oo kala duwan tartankaas shabaqooda soo taabtay.

Messi ayay hore rekoodhkaas uga sinaayeen Cristiano Ronaldo oo aan isagu xilli ciyaareedkan qayb ka ahayn tartanka iyagoo min 38 kooxood shabaqooda kusoo taabtay Champions League kahor inta uusan Leo kali ku noqon.

Goolkaas ayaa ahaa midkii 125-aad ee uu Messi kasoo dhaliyo Champions League kaddib 157 kulan oo uu kasoo ciyaaray tartanka ugu xiisaha badan Yurub.

Cristiano ayaa wali ah gool dhaliyaha iyo waliba xataa caawiyaha ugu sarreeya taariikhda Champions League isaga oo 140 gool magaciisa kusoo qoray tartankaas.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada