Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxay diciif ka tahay hal meel oo ay ka liigayaan, inkasta oo uu jiro boos labaad oo aan si fiican diiradda loogu haynin.
Difaaca midig ayay Real Madrid ku haysataa tiro ciyaartooyo ah, sida Dani Carvajal, Lucas Vazquez iyo Alvaro Odriozola kuwaas oo waliba ay caawin karaan Eder Militao iyo Nacho Fernandez oo iyaguna booskaas ka ciyaari kara. Laakiin difaaca bidix ayaa kaliya ay ku haystaan Ferland Mendy oo uu kaabe u yahay Nacho oo dhibsada inuu ka ciyaaro halkaas. Sidoo kale, David Alaba ayaa hore uga ciyaari jiray balse doorbida inuu difaaca dhexe joogo.
Real Madrid saluug badan ayay ka muujinaysaa Ferland Mendy sababtoo ah waxay doonayaan ciyaartoy karti badan sida laacibkii uu dhaxlay Mendy ee Marcelo. Labadii ciyaartoy ee hore iskaga beddelay booskaas ayay dunidu u aqoonsan tahay inay ka mid yihiin kuwii ugu fiicnaa ee abid la arko, waxaana Marcelo uga horreeyey Roberto Carlos.
Carlo Ancelotti ayaa ugu dambayn rumaysan in uu helayo ciyaartoy uu ka urinayo Marcelo iyo Roberto Carlos oo saansaantoodii ciyaareed leh, waana xiddiga Bayern Munich ee Aphonso Davies. Wargeyska Diario AS ayaa sheegay in Real Madrid ay isku dyi doonto inay la saxeexato Davies oo qandaraaskiisa Bayern Munich uu ku egyahay sannadka 2025.
Bayern Munich ayaa la sheegay in ay dalban doonto €100 milyan oo Euro suuqa xagaaga, sababtuna waa in ay ka baqayaan in uu si xor ah uga tago sannadka 2025, haddii kalena uu qiime dhici doono sannadka 2024 maadaama uu hal xilli-ciyaareed oo kali ahi ka hadhsanaanayo qandaraaskiisa.
Alphonso Davies oo ay da’diisu tahay 22 jir ayaa ka mid ah difaacyahannaada ugu wanaagsan booskiisa waqtigan, waxaana Los Blancos uu qorshaheedu yahay in ay sannadka 2024 la saxeexdaan, xilligaas oo ay da’diisu noqon doonto 24 jir, laakiin waa haddii ay Bayern Munich u diiddo xagaaga foodda inagu soo haya.
Diario AS waxa uu sheegay in ugu dambayntii ay Real Madrid ku taagan tahay raadkii ay ku heli lahaayeen beddelka Marcelo, balse looga baahan yahay dedaal iyo inay huraan lacag, si ay Alphonso Davies u keenaan Santiago Bernabeu.