Real Madrid Oo Toban Daqiiqadood Ku Garaacday RB Leipzig, PSG Oo U Xoog Sheegatay Kooxdii Yuhuudda Ahayd Iyo Juventus Oo Lagu Tumay Garoonkeeda

Kooxda difaacanaysa tartanka Champioins League ee Real Madrid ayaa gaadhay guushii labaad ee tartankan, waxaanay waqti dambe ka takhaluseen RB Leipzig oo ay tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey laba gool ka dhaliyeen, kulan kusoo dhamaaaday 2-0.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Federico Valverde iyo Marco Asensio ayaa Real Madrid ugu filnaaday in ay saddexda dhibcood ka qaadato RB Leipzig, isla markaana hoggaana u qabato Group F, kaddib markii ay barbarro galeen Celtic iyo Shakhtar Donesk oo ku wehelinaya hormadan.

RB Leipzig oo ciyaarta ku bilaabatay si xooggan ayaa daqiiqadihii ugu horreeyeyba heshay dhawr fursadood oo dahabi ahaa oo ay u dhowaadeen in ay hoggaanka ciyaarta ku qabtaan hase yeeshee waxa halgan adag la galay goolhaye Thibaut Courtois oo caddeejiyey in uu yahay goolhayaha ugu wanaagsan waqtigan.

Advertisements

Kubbad uu Forsberg u tuuray Nkunku ayuu xiddiga reer France kala  galay garabka midig daqiiqaddii shanaad ee bilowga ciyaarta, waxaana uu darbaad xooggan ku toogtay goolka hase yeeshee Thibaut Courtois ayaa badbaadiyey oo koorne u saaray, iyada oo kubaddii koornaha ahayd oo ay iska soo difaaceen Real Madrid uu helay Haidara oo darbad xooggan u miisaamay wayse ka dallacantay.

Daqiiqaddii 11aad ee ciyaarta ayey RB Leipzig dalbatay rikoodhe kaddib markii uu Nacho xerada ganaaxa ku riday Nkunku oo uu isku dayay inuu kubbad loosoo dhiibay uga  hormaro, hase yeeshee garsooraha ayaa diiday doodda Leipzig oo waxba kama jiraan ka dhigay.

Real Madrid ayaa fursado aanay khatartoodu badnayn oo ay heshay aan ka faa’iidaynin, waxaana ugu cad-caddaa Rodrygo, Luka Modric iyo Rudiger oo goolka tijaabiyey laakiin aan goolka ku toosinin kubadda.

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa laba jeer kubbado ka badbaadiyey Christopher Nkunku oo ahaa ciyaartoyga ugu khatarta badnaa, sidoo kalena Timo Werner ayaa birta dhinac mariyey kubbad gool loo qaatay oo uu dhaafiyey goolhaye Courtois ka hor intii aan laga qabanin kubbad uu goolka ku toogtay.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Real Madrid samaysay isbeddel dhinac ciyaarta ah, waxaanay joojisay weerarkii badnaa ee ku socday inkasta oo Nkunku iyo Werner ay daqiiqadihii ugu horreeyey ka baxsadeen difaaca oo lagu qabtay offside.

Vinicius Junior ayaa khasaariyey kubbad lasoo cidhiidhiyey oo uu meel fog kasoo jiiday Federico Valverde, waxaana uu da’yarka reer Brazil isku dayay in uu dhinac ka dhigo goolhayaha hase yeeshee waxay kubaddu ku dhacday ciyaartoy kale oo difaacay. Marco Asensio oo ay kubaddani u tagtay ayaa isku dayay in uu goolhayaha ka dul-qaado hase yeeshee way ka dallacsantay, sidaas ayaanay ku baxday.

Daqiiqaddii 80aad ayay Real Marid hoggaanka la wareegtay, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Fede Valverde oo bannaanka ka helay kubbad uu kasoo shaqeeyey Vinicius Junior oo goysmo kusoo dawakhiyey Haidera, waxaana uu Valverde waabiyey laba ciyaartoy oo Leipzig ah ka hor intii aanu darbad xooggan oo lugta bidix ah ku tooganin.

Carlo Ancelotti ayaa sameeyey isbeddelo degdeg ah, waxaanu keenay Toni Kroos, Dani Ceballos, Mendy iyo Mariano Diaz, si uu u firfircoonaysiisyo ciyaartoydiisa, isla markaana xiddigaha daalay uu u nasiyo maadaama Atletico Madrid ay la ciyaarayaan Axadda.

RB Leipzig ayaa si adag u dagaallantay daqiiqadihii ugu dambeeyey ciyaarta, waxayse awoodi waayeen in ay jabiyaan darbiga difaaca Real Madrid ee uu Ancelotti ku dardaaray xiddigihiisa, hase yeeshhee Marco Asensio ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta ku daray gool kale, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Real Madrid.

Dhinaca kale kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda Yuhuudda ah ee Maccabi Haifa oo gool kala hormartay, hase yeeshee saddex gool oo ay qaybsadeen Lionel Messi, Kylian Mbappe iyo Neymar Jr ayaa guusha siiyey PSG.

Maccabi Haifa ayaa daqiiqaddii 24aad uu gool u dhaliyey Tjaronn Chery, hase yeeshee Lionel Messi ayaa keenay goolka barbarraha ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Paris Saint-Germain oo heshay fursado badan ayaan ka faa’iidaysanin qaybtii hore, halka goolhaye Gianluigi Donnarumma uu isaguna dhawr kubbadood badbaadiyey.

Neymar Jr iyo Kylian Mbappe oo ay awoodda saarayeen difaaca Maccabi Haifa ayaa helay fursado ay ahayd in ay dhaliyaan, balse daqiiqaddii 69aad ayaa kubbad uu ka shaqeeyey Lionel Messi waxa uu u dhiibay Kylian Mbappe oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey ayuu natiijada ciyaarta sii dheereeyey Neymar Jr oo dhaliyey goolka saddexaad ee kooxdiisa, waxaanay PSG guushu ku raacday 3-1 ay kusoo garaacday kooxda Yuhuudda ah ee Maccabi Haifa.

Geesta kale Juventus ayaa guul-darro aqbashay waqti dambe kulan ay gool kala hormareen Benfica oo ku garaacday 2-1.

Gool uu waqti hore u dhaliyey Milik ayaa waxa qaybtii horeba ka daba yimid Joao Mario oo Allianz Stadium ku dabbaal-degay halka dhamaadkiina uu gool labaad Benfica u dhaliyey David Neres, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday kooxda reer Portugal oo marti ahayd.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada