Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Real Madrid Oo Samaynaysa Qorshihii Luis Figo Oo Kale & Xiddiga Ay Kasoo Afduubayaan Barcelona Ee Colaaddu Ka Dhalan Doonto

by Abdiwahab Ahmed
January 2, 2023
0
Ma Aha Antonio Rudiger! Difaacii Xulka Germany Ee Ay Ku Dagaallamayeen Real Madrid & Barcelona Oo Bilaash Lagu Helayo

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib usoo celinaysa colaaddii caanka noqotay ee Barcelona, waxaanay ku celinayaan afduubkii Luis Figo ee sannadkii 2000 oo kale, iyaga oo hadda u xidh-xidhay inay Camp Nou kasoo qafaashaan xiddig da’yar oo uu si weyn ugu xisaabtamayo tababaare Xavi Hernandez.

ADVERTISEMENT

Ciyaarta Intercity ee tartanka Copa del Rey ayaa waxa uu Xavi ka fiirsanayaa inuu ugu yeedho xiddiga ay Real Madrid afduubkiisa qorshaynayso, waana da’yarka reer Morocco ee Lamine Yamal oo kulliyadda da’yarta La Masia ku jira.

Yamal ayaa ka mid ah ciyaartoyda da’yarta ah ee ugu fiican qaaradda Yurub ee da’diisa, waxaana indhaha ku haya kooxo waaweyn oo raadinaya dariiqii ay Barcelona kaga soo qaadan lahaayeen, kuwaas oo ay ugu horreyso Real Madrid.

Xavi oo la hadlayay warbaahinta Spain ayaa si weyn u amaanay laacibkan, waxaana uu yidhi: “Kooxda da’yarta oo dhaan waanu la soconaa, Lamine-na waa ciyaartoy hibo badan, mashruuc ayaanu u haynaa isaga, waanu ku guuleysan karaa. Waxa uu leeyahay tayooyin badan, waxaanan rajaynayaa in uu nala joogi doono sannado badan; waxay ku xidhan tahay isaga, laakiinanigu waxa aan rajaynayaa in uu noqon doono ciyaartoy weyn mustaqbalka.”

ADVERTISEMENT

Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay in waqti horeba ay Real Madrid diiraddeedu qabatay Lamine Yamal oo ay doonayaan inay la saxeexdaan iyaaga oo raacaya dariiqii sannadkii 2000 ay Luis FIgo kaga soo afduubteen Barcelona.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

Figo oo ku guuleystay Ballon d’Or ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu fiicannaa taariikhda  Barcelona marka laga eego goolsha iyo caawinta uu sameeyey, waxaana 248 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhalyey 45 gool iyo 58 kale oo uu caawiye ka noqday.

Real Madrid ayaa waqtigaas iska garab martay Barcelona, waxaanay si toos ah ula xaajoofay Figo iyaga oo u gacan-dhaafaysa kooxdiisa. Figo ayaa soo dhoweeyey dalabka Real Madrid oo ku qasbay Barcelona in laga iibiyo Real Madrid oo iyaduna  bixisay lacagtii lagu burburin karayay qandaraaskiisa.

Figo ayaa markii uu tegay Real Madrid halkiisa kasii waday in uu ahaado ciyaartoy muhiim ah, waxaana 245 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 57 gool iyo 92 kale oo uu caawiyey.

Lamine Yamal ayay hadda sidii oo kale doonaysaa Real Madrid inay ugu gacan-dhaafo Barcelona oo ay si toos ah ula xaajooto, si uu u yimaaddo kulliyadda La Fabrica iyadoo loo ballan-qaadayo in fursad laga siin doono kooxda koowaad oo uu raaci doono dariiqii Achraf Hakimi.

ADVERTISEMENT
Share427Tweet267
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.