Real Madrid Oo SADDEX Ciyaarood U Jirta Rikoodh Uu Taariikhda Ku Gelayo Carlo Ancelotti

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa kusii siqaysa in ay samayso taariikh cusub. Tababare Carlo Ancelotti ayaa u baahan in uu saddex guulood kasoo hooyo saddexda ciyaarood ee ugu soo horreeya, si loogu diiwaangeliyo in ay kooxdiisu tahay naadiga ugu guulaha badan taariikhda Real Madrid.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay si cajiib ah, iyadoo guuleysatay dhamaan sagaalkii ciyaarood ee ugu horreeyey oo ay dhaliyeen 24 gool, waxaana marka laga soo laabto kulamada caalamiga ah ay u baahan yihiin inay ka adkaadaan Osasuna, Shakhtar Donetsk iyo Getafe.

Madrid ayaa dib u heli doonta marka kulanka Osasuna weeraryahankeeda Karim Benzema oo kasoo noqon doona dhaawac uu ku maqnaa tan iyo kulankii Champions League ee Celtic, waxaana soo laabashada ku whelein doona Lucas Vazquez oo isagana dhakhaatiirta Real Madrid ay xaqiijiyeen in uu toddobaadka foodda inagu soo haya kusoo laaban doono tababarka.

Advertisements

Labadan ciyaartoy oo ka fudaydiyey culayska dhaawacyada ayay Real Madrid raadin doontaa in ay samayso taariikh, waxaana haddii ay saddexaad ciyaarood badiyaan ay u noqon doonta amarkii ugu horreysay ee ay guuleystaan 11ka ciyaarood ee ugu horreeya xilli ciyaareedka tan iyo sannadkii 1961kii, waqtigaas oo uu tababare u ahaa Miguel Manoz oo koobab badan u qaaday. Munoz ayaa rikoodhkaas ku celiyey sannadkii 1968kii iyaga oo shan Champions League na gacanta ku dhigay.

Carlo Ancelotti ayaa noqon doona tababarihii labaad ee Real Madrid u suurtogeliya in ay suuleysato 11ka ciyarood ee ugu horreeya xilli ciyaareedka, waase in ay ka takhalusaan Osasuna iyo Shakhtar Donetsk oo kusoo booqan doona Santiago Bernabeu ka hor inta aanay Getafe ugu tegin Coliseum Alfonso Perez.

Advertisements

1 Fekrad

  1. Carlo Ancelotti ayaa noqon doona tababarihii labaad ee Real Madrid u suurtogeliya in ay suuleysato 11ka ciyarood ee ugu horreeya xilli ciyaareedka

    suuleysato maxa laga wada hhhhhhh

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada