Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxay ka cabsi qabtaa in uu weeraryahankeeda Vinicius Junior kula kaco fal khiyaano ah iyadoo la tuhunsan yahay in aanu laacibkani ku faraxsanayn qandaraas cusub oo ay kooxdu u bandhigtay oo aanu wax jawaab ah kasoo bixinin muddo dhawr bilood ah.
Qandraaska Vinicius Junior ee Real Madrid ayaa soconaya illaa 2024, waxaanay Los Blancos doonaysaa inay heshiis cusub ka saxeexo inta aan la gaadhin waqtigaasn, waxaanay u bandhigtay qandaraas cusub oo saddex sannadood ah kaddib markii uu dhaliyey goolkii finalka Champions League ee Liverpool ay ku garaaceen.
Vinicius Junior ayaan illaa hadda ka jawaabin dalabka cusub oo xambaarsan heshiis soconaya illaa 2026-27, sababtana waxa lagu sheegay in aanu ku faraxsanayn mushaharka oo uu saluugsan yahay.
22 jirkan ayaa waxa uu doonayaa inuu ka mid noqdo ciyaartoyda ugu mushaharka badan kooxdiisa Real Madrid, waxaana hadda jirta cabsi ay qabaan Florentino Perez iyo Carlo Ancelotti oo rumaysan in uu laacibkani doonayo inuu khiyaameeyo oo uu si xor ah uga tago.
Xilli-ciyaareedakan socda ayuu Vinicius u dhaliyey Real Madrid 10 gool oo dhamaan tartamada ah iyo shan uu caawiyey 25 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu dheelay.