Toddoba ciyaartoy oo Real Madrid ah ayay qandaraasyadooda ay ku joogaan Santiago Bernabeu ku egyyihiin June 30. Lix ka mid ah waxay ciyaareen kulankii Axaddii ee San Mames oo ay 2-0 kusoo garaaceen Athletic Bilbao, taas oo siisay Real Madrid inay soo yarayso farqiga dhibcaha Barcelona oo ay saddex ka dhigto.
Carlo Ancelotti oo hore kaydka ugu hayay Asensio iyo Ceballos ayaa usoo celiyey kalsoonida oo kusoo bilaabay ciyaartaas, kaddib markii ay bandhig heersare ah ka sameeyeen ciyaartii Villarreal ee Copa del Rey oo ay guul soo laabasho ah gaadheen.
Labadan ciyaartoy ayay qandaraasyadoodu ku egyihiin dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana Asensio lala xidhiidhinayaa Barcelona, halka Dani Ceballos aanay jirin koox illaa hadda si cad loogu tuhunsan yahay inuu ku biirayo haddii uu ka tago Madrid.
Waxa kale oo qandaraaskiisu dhamaad yahay Mariano Diaz oo Real Madrid ay ku faraxsan tahay inuu iska tago, laakiin saddexda laacib ee Luka Modric, Toni Kroos iyo Karim Benzema ayaa iyaguna xaaladdan oo kale ku jira oo heshiisyadooda ay dhawr bilood ka hadhsan yihiin.
Daafaca dhawrka boos ka ciyaara ee Nacho Fernandez ayaa isaguna maalmihiisii ugu dambeeyey ku qaadanaya Bernabeu haddii aanay kooxdu ku qancinin inuu heshiis cusub saxeex.
Suuqa bisha January ee sii dhamaanaya ayay Real Madrid isku dayaysaa inay usbuuca ka hadhsan ku qanciso ciyaartoydeedan inay heshiisyo cusub saxeexaan, laakiin uma muuqato in ay taasi dhacayso waqtigan.
Sida uu qoray wargeyska Marca, Luka Modric ayaa dalab lacag badan leh ka helay kooxda Al Nassr ee waddanka Sucuudiga ee uu dhowaanta u wareegay Cristiano Ronaldo, balse waxa uu doonayaa inuu sannad kale sii joogo Madrid. Sidaas oo kale waxa ah Benzema oo qorshihiisu yahay in laba sannadood uu sii joogo haddii ay kooxdu buuxiyo shuruudihiisa. Kroos ayaa isaguna aan wali caddaynin mustaqbalkiisa, waxaanu ku adkaysanayaa inuu ka fadhiisanayo ciyaaraha.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayay u taallaa shaqo badan waqti kooban gudaheed, waxaanay halis ugu jiraan inay lumiyaan xiddigo waaweyn.